Skip to main content

Posts

Showing posts from May, 2022

ERAYO JACEYL - "QALBI DHAAWACMAY"

  Qalbigeyga wuxuu u kala go'ay gabal gabal sidaad iiga fogaatay nafteyda aad bey u qeylineysaa iyadoo ilbiriqsi kasta agmaraya.    Maqaarkeygu wuxuu dareemayaa qaboow isagoo diirimaadka ka sii baaba'aayo indhaheyga ilmo aayar u sii qul-quleysa.    Waxeyna si tartiib ah hoos ugu daadanayaan dhabanadeyda daqiiqad kasta lugaha mardambe iima qaban karaan.    Waxaan lu dhacayaa si quman jirkeygu mardambe malahaan doono xoog ama awood sida daciifnimada u socoto si aan micno laheyn.    Oo aanan waxba tareynin waxa kaliya aan dareemayo waa xanuunkaad i gaarsiisay sida saaxiibkeyga nafteyda u socdo waxaan dareemayaa qalbi jab.    Waxaan doonayaa jaceyl tagay in aan iska iloobo farxadii horana niyadeyda ka tir-tiro si aan nolol qurux badan qofkii nasiibkeyga isaacido ula wadaago weyna imaan.

QALBI KU AAMINAY WALIGAA HA QIYAAMIN - QORMO JACEYL

  Mararka qaarkood nolosha ayaa kugu adkaata marka aadan haysan cid ku fahanta ee kula dareenta dareenka kuu qarsoon, ee huriyay wadnahaaga maskaxdaadana fikir ku daaliyay. Blse waxaa taa ka sii daran in qofka aad maciin bido uu kula yaabo oo uu wax laga bad-badiyay oo xadkiisa la dhaafiyay u arko dhibkaaga iyo culeeska ku haysta..   Waxaa caado ah in qofka cida ugu badan ee sirihaaga u sheegta in ay tahay asxaabtaada ama saaxiib gooni kuu ah oo kaaga soocan dhamaan asxaabtaada kale si ay talooyin kaaga siiyaan. Blse waxaa nasiib daro ah in ay saaxiibadaada ku fahmi waayaan ama ku dareemi waayaan markaad u sheegato dhibaatada ku haysa iyagoo moodaya in aad la kaftameyso.    Waxa aad dareemeysaa kali xitaa hadii aad leedahay lamaane blse dhibaatadaada uusan kula dareemeynin, iyadana waa murugo kale adigoo jaceyl haysto hadana cidlo joog tahay.    Waxaa jira dad badan oo kalinimo ku nool markaad weydiiso ood ku dhahdo jaceyl miyaad leedahay ku dhahay waan leeyahay wax faa'ido muuqdo

ERAYO JACEYL OO DARDAARAN AH

  "Jaceylkaaga yuusan noqon kalifaad xanaaqaaguna yuusan noqon mid bur-bur keena" ▪︎ Jaceylkaaga ha noqdo mid qalbigaaga ka soo go'ay sababtoo ah jaceylka daacadnimo ayuu doonayaa hadaadan daacad u noqon karin hadaba banaankaaga ka joog. ▪︎ Jaceylka aad is leedahay hebel ama hebla ku qanci oo waqtigaaga isaga lumi ogoow qofkaas in uu si dhab ah kuu jeclaan karo qalbi si dhab ah kuu jeclaaday hadaad qiyaanto bal maxaa kuu dambeyn doono. ▪︎ Jaceylka quudkiisa waa daacadnimo iyo runta, sida calooshaba u quudato cunada iyo biyaha jaceylka dhalinta qaar dhagta ayay ka maqleen halka dadka qaarna ay u sameeyaan hebel ama heblo wey sameysee adne samee. ▪︎ Jaceylka mar haduu shuruudo iyo dano gooni ah lagu soo daro ogoow in uu dhiig bax iyo daryeel si tartiib tartiib ah ugu dhimanayo qof aanan jaceylka ilaalin guusha wuu ka fogaadaa xaqiiqda jaceylka baro. ▪︎ Jaceylka sahal ayuu ku bilowdaa si sahlana waa lagu wadi karaa laakiin waxaa adag ilaalintiisa iyo daacad u noqoshadiisa m

ERAYO JACEYL - DAREEN TABIN

  Ma qasab baa ineynu u xiisno kuwa tagay waliba dhaqaaqay socod aanan soo noqosho ka muuqan, kuwa aynu rabnay kuna bixineynay waqtiga iyo maalmaheenii wacnaa oo dhan.    Maxey inoo siin waayeen ogolaanshaha aynu ku oran laheyn Erayadii ugu dambeeyay inta aysan naga tagin ka hor si aan u ogaano dareenkooda.    Nolosha kuma qurux badna kalinimo wehel ayay dooneysaa blse marwalba waxaan aaminaa qof qaldan kalsooni fara badan ayaan u hibeynaa lkn sidaan ka rabnay kamaba helno.    Kuwa naga tagay wey fiicnaan laheyd in ay hal jaanis nasiiyaan si aan ugu sheegno wax walba oo dareenkeena ku saabsan anagoo faraxsan macsalaameyno waliba sagootino   "MAXAAD ODHAN LAHEYD ADI? Waan sii macsalaameyn lahaa waxa aan u sheegi lahaa dareenada quruxda badan ee aan horay ula soo qaatay, jaceylkaan u qabo daraadiisa.    Waxaan uga warami lahaa sida aysan nolosha dha-dhan u laheyn iyaga dabadood, sida aan ugu xiisay, ii maqal saaxiib dhamaantooda uma wada xiisin laakiin qof baan si gooni ah ugu xiisa

Maxaa lagu gartaa jacaylka dhabta ah ?

  Naftu qaali weeyoo Qiimaha aduunyada Qof in ay jaclaatona Qaadir kaa u uumau                                             HORDHAC Waa maxay jacayl ?  Sida aynu wada ognahay jacaylku waa dareen ama rabitaan ku samaysan qofka bini aadamka ah meesha ugu horaysa oo laga dareemona waa qalbiga , dadka qaar ayaa u macneeya eraygan jacayl sidatan ( JACAYL = LOVE , kadibana love yaa waxaa loo sii kala qadaa afar eray oo kala ah . L = Listen (dhagaysi) O = Over look (daryeelid) V = Value (qiimayn) E = Express (muujin kalgacal ) . Marka ugu horaysa ee ay labada qof is bartaan ama ay is arkaan oo ay indhaha isasaaraan waxaa loo yaqaaan kahalitaan ama kahelid ( ka helitaanku waa in aad ku qanacsan tahay lahaa saawitaan qofka aad rabto in uu xiriir cusub kula yeesho oo ay markaas isugu kiin horayso ). Mudo kadib hadii labadii qof ee is baratay xiriirkooda ka run sheegaan waxaa la helayaa jacay dhab ah. Hadiise  Been iyo khiyaaano lays waydaarsado ama midkood uu layimaado waxaa imanaya jacayl

(QISO JACEYL) JACEYLKII FAQIIRNIMADA KU BILOWDAY EE UGU DAMBEYN MIDOOBAY

Wuxuu yiri waxaan guursaday iyadoo fasalka 10-naad dhiganeyso waxaana is qabnay ilaa inta qy jaamacada ka baxeysay, waxeyna ii dhashay, hal wiil mudo kadib waxey dhameysay jaamacadii, waxeyna shaqo ka heshay bangi, waxeyna noqotay shaqaale bangiyadeed. Markii ay shaqadii heshay kadib kadib ayaan ka codsaday in aan dhisano guri aan labadeena leenahay, oo aan wada dagno, blse waxey iigu jawaabtay iyadoo igu jees-jeeseysa waliba i inkireysa maxaan guri dagnaa isku level maba nihine, oo iimaba qalantide. Markii ay dugsi sare dhameysay waaludkeeda waxbarashada wey ka joojiyeen anigaana qarashka jaamacada kafaala qaaday oo ka bixin jiray ilaa ay dhameysay, mudadadii ay jaamacada dhiganeysay waxaan u diri jiray mushaarkeyga oo dhan si ay ugu daboosho baahiyaha nolosheeda iyo mida waxbarasho ee waqtigaas ku jirtay. Blse markii ay dhameysay oo ay shaqadii heshay ayay igu balan furtay wiilkiina intey dhabteyda ku soo riday ayay iga tagtay iyadoon gadaal ii soo eegin, blse hada waxaa korisa oo

ERAYO JACEYL - ERAYO JACAYL

  Ma jiro goor iyo goob u gaar ah jaceylka, waxa uu u dhacaa si shil ah, in uu wadne ku garaaco, in hilaac (Biriq) ku dhaco, mudo aad u xanuun badan ayuu ku dhacaa   Jaceylka waa sida canjirka (Laastiiga) oo laba gacood kala jiideen, haduu midkood sii daayo, kan kale ayay xanuunjineysaa.    Jaceylka ugu wanaagsan waa kan kaa dhiga ruux ka wanaagsan sidii hore, isaga oo aanan badaleynin cida aad tahay, kaana dhigeynin cid aanan aheyn.   Jaceylka waa nolol macaan oo qurux badan marba hadii aad heysato qof si dhab ah kuu jecel, noloshana kula fahma si kastoo waqti iyo waayuhu isku badalaan.   Jaceylka waa xanuunada ugu xun ee laga dareemo gudaha qalbiga, waana jaceyl ay dad badani la xanuunsan yihiin, halka kuwa qaar isku dileen, kuwa kale ayaa u waashay dadkii ay jeclaayeen dunidana ku silicsan.    Jaceylka nolosha wuu qurxiyaa sida ubaxa dhirta u qurxiyo oo kale, waxaa laga yaabaa saacadaan aad qoraalkaan akhrineysid in uu qalbigaaga ku jiro qof aad jeceshahay.    Adiga oo u rajeynaya

FARIIMO JACEYL OO AAD U MACAAN

  Aniga la'aantaa waan noolaa intaanan ku baranin ka hor mana aaminsaneyn in ay nolosheyda wax iga dhiman yihiin.  Laakiin wax walba waxey is badaleen markii aad nolosheyda ku soo biirtay markaas ayay nolosheydu dhameystirantay, haa si fudud ayaan u dhihi karaa midaas.    Sababtoo ah waxaan agtaada ka helay Naxariis, Daneyn, Jaceyl, Farxad joogto ah, iyo waliba daganaan aanan habeen ku fikirin in aanan heli doono aan haweynsan.    Runtii waad ii nuurisay nolosheyda "Illaahey hakuu nuuriyo qabrigee aamiin aamiin" Noloshu jaceyl iyo farxad la'aan aad bey u adag tahay labadaas adigaan kaa helay.    Waxaad tahay ruuxii aan in badan ku duceysan jiray, ma doonayo qalbigeyga waxa ku jira in aan inyarna la haro waxaan illaahey hortiisa ka cadeynayaa in aan si dhab kuu jeclahay.    Waxaad tahay heerka aan maanta joogo ama nolosheyda taagan tahay in aad adiga ka dambeysay xitaa hadii aan kun jeer ku dhaho waan ku jeclahay.    Nafteydu adiga ayay ku tabeysaa, qalbigeyga adiga a

FARIIMO JACEYL OO CALAACAL AH

  Waxaa jira dad dabiici ahaan wanaagsan, qalbigooduna weyn yahay, wey ku cafinayaan Mar koobaad, Mar labaad, Mar sadaxaad, iyo Mar afaraadba, Laakiin hadaad ka bad-badiso wey tagayaan waligoodna dib kuuguma soo laabanayaan, xusuusnoow qofka iska indha tira qaladadka aad ka galeyso una dulqaata ma ahan doqon sidoo kale mana ahan indhool.    Taas badalkeeda isaga waaye qofka jaceylka xad dhaafka ah kuu qaba oo aanan dooneynin in uu sekin qura ku waynin, isaguna wuxuu isku dayayaa sida ugu fiican in uu kuu ilaaliyo.    Laakiin waxaa laga yaabaa in uu gaaro heer uusan maqli karin xitaa cudur-darashadaada sababtoo ah qalbiyada nadiifka ah oo wax jecel hadey mar niyad jabaan dib uguma laaban doonaan sidii hore.    Waqti badan ka dib ayay halkaan ku kulmeen iyadoo maalin ciid ah wuxuuna ku yiri waan kuu xiisay waqtigii aan kala maqneyn.    waxaan ahay ruux kuu ooman waxaana la liitaa jacayl aan kuu qabo waxaana dareemi kartaa heerka uu gaarsiisan yahay iyo xanuun uu leeyahay qof sidayda oo

ERAYO JACEYL OO QIIRO BADAN

  Hadii aan ku siiyay kalsoonideyda ha luminin hadii aad qalbigeyga soo dagtayna ha dhaawicin, anigaba kuuma quureen dhib yar in uu ku soo gaaro raalina kama noqonayo.    Kalsoonida waa sida miraayada oo kale hadii ay mar jabtana lagama yaabo in dib la isugu keeno, qof naftiisa oo dhan kaa jeclaaday misna farxadiisa tahay waligaa ha dhaawicin.    Hal qof ayaa u qalma qalbigaaga waligaana haka dhigin hotel qof walba iska soo gala blse ka dhig qasri boqorkiisa kaliya dagan yahay farxadaadana kor u qaad.    Qofka dareenka qalbigaaga iyo farxada noloshaada jecel marna kaama fogaan doono xitaa hadey waqtiyadu is badalaan ama jawigu xumaado garabkaaga ayuu ahaan doonaa.   Dadka qaar waxey dhahaan wey adag tahay in la hilmaamo jaceyl aad sameysay misana guulsaro kaaga timid, blse xaqiiqda taas maahan isku dayga aad la timaado ku iloobi kartaa waa hadii aad horay u socod tahay.    Qofka jaceylka idinka dhaxeeyo wax walba wuu idin dhexmari karaa, Qilaaf, Dagaal, Muran, blse xaqiiqda waxey tah

ERAYO JACEYL OO SOO JIIDASHO LEH

  Hal qoraal oo dhinacaaga ka socda wuxuu badali karaa jihadii aan markii hore ku socday wuxuuna ii jiheyn karaa halka ay farxadaada taalo. Waxaan jeclahay in aan ku arko adigoo faraxsan waxa ugu quruxda badan ee aan arkana waa dhoola cadeyntaada. Kaliya waxaan ku arkay ilbiriqsi laakiin ogoow in aan marwalba aragtidaada iftiinsado waliba nuurkii nolosheyda marwalba ii tahay. Waxaan kuu jeclahay sidii anigoon waligeyba qof adiga kaa horeeyay aanan jeclaanin xitaa aanan u dhawaanin adiga hortaa. Arinta dhankeyga ugu culus ee aanan waligey ku fikiri doonin waxey tahay iloowidaada mana dhici karto midaas. Waxaad tahay nolosheyda, wehelkeyga, wadnaheyga, qalbigeyga, maskaxdeyda, niyadii aan kugu soo xasuusanaayay. Jaceylka aan kuu qabo ma ahan mid dhamaan doono waligiisa Wuu iga nasiib badan yahay qof maalin kasta adiga ku arka, kula hadla fursadna u hela inuu dhoola cadayntaada aadka u quruxda badan ay indhihiisu arkaan. Qofna ma bedeli karto jaceylka aan adiga kuu qabo, ogowna waa

GABAY JACAYL AH

  WAXAAN HALKAAN IDIINKU SOO GUDBINAYAA GABAYO KA HADLAAYA  JACEYLKA IYO WAXA UU YAHAY , GABAYGA UGU HOREEYA WAXAA UU NOQONADOONAA : SAYNAB WAA HELIYEE Gabaygaan jacaylka ah waxaa tiriyey abwaab aan magaciisu nasoo gaarin se ahaa nin jeceylka aad ugu xeel dheer sida gabaygiisa ka muuqata ee aad arki doonto waxa uu ku bilaabay sidatan ; Saalaxoow adaa soconayoo qaatay salabkiiye Salaama allayeeyow hadaad saaxil nabad gaadho Sawd yar aan ku faro iiga gee saynab waa heliyee Saqda dhexe habeenkii hurdada waa ka salalaa dheh Soortana ma cunno aawadaa saa’im saan ahayn dheh Saddax goorta aan qaado ayaan subax quraacdaa dheh Waxaan sararo weynaa beryahan samay ka dhuubnaa dheh Saraawiisha waa iga bateen igu sameysnaa dheh Hadba aniga oo soconayaa sare u qaadaa dheh Salaam qudha hadaad soo dirtoo , subax la ii keeno Adiga oo ila fadhiya kama sokeyseen dheh Gabayga ku xiga waxa lagu magacaabaa :     2. Samiroo dulqaado Sidee daba aduun yadu waa saacad qura oo marbay kuu samaataa marn