Skip to main content

FARIIMO JACEYL OO AAD U MACAAN

 




Aniga la'aantaa waan noolaa intaanan ku baranin ka hor mana aaminsaneyn in ay nolosheyda wax iga dhiman yihiin. 

Laakiin wax walba waxey is badaleen markii aad nolosheyda ku soo biirtay markaas ayay nolosheydu dhameystirantay, haa si fudud ayaan u dhihi karaa midaas. 
 
Sababtoo ah waxaan agtaada ka helay Naxariis, Daneyn, Jaceyl, Farxad joogto ah, iyo waliba daganaan aanan habeen ku fikirin in aanan heli doono aan haweynsan. 
 
Runtii waad ii nuurisay nolosheyda "Illaahey hakuu nuuriyo qabrigee aamiin aamiin" Noloshu jaceyl iyo farxad la'aan aad bey u adag tahay labadaas adigaan kaa helay. 
 
Waxaad tahay ruuxii aan in badan ku duceysan jiray, ma doonayo qalbigeyga waxa ku jira in aan inyarna la haro waxaan illaahey hortiisa ka cadeynayaa in aan si dhab kuu jeclahay. 
 
Waxaad tahay heerka aan maanta joogo ama nolosheyda taagan tahay in aad adiga ka dambeysay xitaa hadii aan kun jeer ku dhaho waan ku jeclahay. 
 
Nafteydu adiga ayay ku tabeysaa, qalbigeyga adiga ayuu meel walba kaa baadi goobaa, ma ogtahay garaaca wadnaheyga in uu saa'id yahay markasta magacaaga ku dhawaaqayo. 
 
Waxaan kugu qiyaasaa
Ama kugu qadariyaa
Qabri hoose mooyee
Dunidaba ku ma noolee
Qadaf ku hadli maayee
Amaanta waan kuu qiray
Waa mid aad u qalantee
Qaayo aad ka gaartaye

Comments