Skip to main content

(QISO JACEYL) JACEYLKII FAQIIRNIMADA KU BILOWDAY EE UGU DAMBEYN MIDOOBAY




Wuxuu yiri waxaan guursaday iyadoo fasalka 10-naad dhiganeyso waxaana is qabnay ilaa inta qy jaamacada ka baxeysay, waxeyna ii dhashay, hal wiil mudo kadib waxey dhameysay jaamacadii, waxeyna shaqo ka heshay bangi, waxeyna noqotay shaqaale bangiyadeed.
Markii ay shaqadii heshay kadib kadib ayaan ka codsaday in aan dhisano guri aan labadeena leenahay, oo aan wada dagno, blse waxey iigu jawaabtay iyadoo igu jees-jeeseysa waliba i inkireysa maxaan guri dagnaa isku level maba nihine, oo iimaba qalantide.
Markii ay dugsi sare dhameysay waaludkeeda waxbarashada wey ka joojiyeen anigaana qarashka jaamacada kafaala qaaday oo ka bixin jiray ilaa ay dhameysay, mudadadii ay jaamacada dhiganeysay waxaan u diri jiray mushaarkeyga oo dhan si ay ugu daboosho baahiyaha nolosheeda iyo mida waxbarasho ee waqtigaas ku jirtay.
Blse markii ay dhameysay oo ay shaqadii heshay ayay igu balan furtay wiilkiina intey dhabteyda ku soo riday ayay iga tagtay iyadoon gadaal ii soo eegin, blse hada waxaa korisa oo haysa aniga hooyadey, blse aniga waxaan waqtigaas ahaa askari ciidamada u shaqeeya ruqso ayaan ka qaatay ciidankii aan ka mid ahaa. 
 
Si aan wiilkeyga waxbarashadiisa iyo noloshiisa aan meel u soo saaro si uusan asaagiisa beri wax uga baahamin wiil aan deris aheyn ayaa shaqo ii soo helay, laakiinse shaqadaas waxey aheyd waaridiye bangi in aan noqdo, halkaas ayaana ka shaqo bilaabay 5 bilood markaan waardiye ahaa ayay habeen bangiga soo weerartay qolo tuugo.
Waana ka difaacay tuugadii blse kuwa ila joogay oo saaxiibadey ahaa ayaa igu yiri sxp lacagta aan qaar ka qaadano kadibna aan dhahno tuugadii ayaa qaadatay waana bad-baadeen, subixii markuu waaga baryay ayaa waxaa la ogaaday qolo burcad ah in ay bankiga dhacday lacag aanan badneyn ka qaadatay bankiga kadibna baxsadeen. 
 
Aniga waxaa la igu abaal mariyay inaan milkiilaha bankiga oo markaas dalxiis ahaan u joogay magaalada maqlay in aan aniga intii tabarteyda ah hantida bangiga bad-baadiyay, wuxuuna iga dhigay xisaabiye hantida bangiga iyo qiimeynta dadka shaqada soo codsado maalin baa dad badan oon qiimeyn kuwada waxan ka dhex arkay xaaskeygii hore.
Waxeyna shaqo ka soo doonatay bangiga iyada meusan ogeyn ninka qiimeynaya shaqaalaha ka mid noqonaya bankiga in aan aniga ahay markey i aragtay wey naxday, kadibna dib ayay u laabatay waan u yeeray iyadoo naxsan oo xishooneysa ayay ii timaaday, waxaan ku dhahay halkaan istaag dadkii markaan kala diray ayaan u soo jeestay. 
 
Waxaan ku dhahay hamiga aad nolosha ka leedahay iyo rajada iyo riyada aad ka leedahay mustaqbalka waqtigaan waan kaa bur-burin karaa, blse ogoow waxaad iiga bad-baadeysaa waalidiintaada ayaa aniga i dhaqaaleyn jiray waxaana ku dhahay beri soo shaqa gal anaana booskaga ku geyn doonee.
Iyadoo faraxsan marna naxsan ayay iga tagtay arintii oo dhan waxey u sheegtay waalidkeeda waxeyna ku noqotay lama filaan, waxeyna waalidiinteedii ku dhaheen beri duhurkii guriga hanoogu yimaado qado ayaan ku casuunaye blse ninkeeda wuxuu waqtigan ku qiyaasayay in ay guursatay oo ay xaas tahay. 
 
Subixii markuu waagu baryay ayay toos u soo aaday bangiga waxaana soo dhaweeyay Ex ninkeedii hore wuxuuna geeyay qol u gaar ah oo shaqadeeda ku qabaneyso, wuxuuna ku yiri waxaad u baahato iyo wax walba oo macluumaad ah ila soo socodsii howl wacan wuxuuna aaday xafiiskiisa, markii ay galabtii howsha soo dhameysteen.
Isagoo soo bixi rabo ayay gadaal cod qurux badan ugu yeertay wuuna u sugay markey ka daba timaaday ayay ilmeysay raali gelin weydiisatay iyadoo jilbahiisa qabsaneysa intuu yax-yaxay ayuu ku ku yiri isku xishoo naag marwo ah baad tahee waxeyna ku dhahday waanu kala tagnay uguvdambeyn dib ayay u midoobeen ubadkoodiina aabe iyo hooyo ayuu helay weyna guuleyateen... 
 
                                     《《《《《《《DHAMAAD》》》》》》》

Comments