Mararka qaarkood nolosha ayaa kugu adkaata marka aadan haysan cid ku fahanta ee kula dareenta dareenka kuu qarsoon, ee huriyay wadnahaaga maskaxdaadana fikir ku daaliyay. Blse waxaa taa ka sii daran in qofka aad maciin bido uu kula yaabo oo uu wax laga bad-badiyay oo xadkiisa la dhaafiyay u arko dhibkaaga iyo culeeska ku haysta.. Waxaa caado ah in qofka cida ugu badan ee sirihaaga u sheegta in ay tahay asxaabtaada ama saaxiib gooni kuu ah oo kaaga soocan dhamaan asxaabtaada kale si ay talooyin kaaga siiyaan. Blse waxaa nasiib daro ah in ay saaxiibadaada ku fahmi waayaan ama ku dareemi waayaan markaad u sheegato dhibaatada ku haysa iyagoo moodaya in aad la kaftameyso. Waxa aad dareemeysaa kali xitaa hadii aad leedahay lamaane blse dhibaatadaada uusan kula dareemeynin, iyadana waa murugo kale adigoo jaceyl haysto hadana cidlo joog tahay. Waxaa jira dad badan oo kalinimo ku nool markaad weydiiso ood ku dhahdo jaceyl miyaad leedahay ku dhahay waan lee...
XAQ WAXAAD U LEEDAHAY LACAG LA'AAN INAAD WAX KU BARATO.