Waxey tiri gacaliye asxaabteyda qaar waxey ii sheegeen in aadan i jecleyn, iyo in aad ka tanaasushay jaceylkii aad ii haysay oo dhan, iyagoo doonaya in ay isku keena diraan. Waxey igu yiraahdeen tasho gabarey ninkaan wuxuu helay gabadh kale iyo waqti aanan macquul aheyn in uu ku xasuusto jaceylkaaga, waqtiga ha isaga lumin jaceyl aanan jirin. Waxaan u sheegay in aysan wax micno laheyn hadaladooda dhagteyda wey maqashaa tan kale ayaan ka sii daayaa, sababtoo ah waxeysan wsr u haynin sida aad ii jeceshahay. Xabiibi waxey marwalba iila hor fadhiyaan in uusan wax micno ah ku fadhinin jaceylka iyo farxadeena iyagoo doonaya in ay dhexdeena colaad shigaan farxadeenana bur-buriyaan. Gacaliye waxey wax badan igu yiraahdeen wuxuu kaaga fogaaday sida dayaxa uu uga fogaaday dhulka ee haku dan seegin doonistiisa wey cadahay in uusan ku jecleyn. Waxaan aniga u sheegaa mcne in aan kaa maarmin sida aanan cunada uga maarmin inaan ku soo haleeli karo ama ku heli karo daqiiqad walba ee aan ku soo x...
XAQ WAXAAD U LEEDAHAY LACAG LA'AAN INAAD WAX KU BARATO.