Skip to main content

Posts

Showing posts with the label QALBI DHAAWACMAY

ERAYO JACEYL - "QALBI DHAAWACMAY"

  Qalbigeyga wuxuu u kala go'ay gabal gabal sidaad iiga fogaatay nafteyda aad bey u qeylineysaa iyadoo ilbiriqsi kasta agmaraya.    Maqaarkeygu wuxuu dareemayaa qaboow isagoo diirimaadka ka sii baaba'aayo indhaheyga ilmo aayar u sii qul-quleysa.    Waxeyna si tartiib ah hoos ugu daadanayaan dhabanadeyda daqiiqad kasta lugaha mardambe iima qaban karaan.    Waxaan lu dhacayaa si quman jirkeygu mardambe malahaan doono xoog ama awood sida daciifnimada u socoto si aan micno laheyn.    Oo aanan waxba tareynin waxa kaliya aan dareemayo waa xanuunkaad i gaarsiisay sida saaxiibkeyga nafteyda u socdo waxaan dareemayaa qalbi jab.    Waxaan doonayaa jaceyl tagay in aan iska iloobo farxadii horana niyadeyda ka tir-tiro si aan nolol qurux badan qofkii nasiibkeyga isaacido ula wadaago weyna imaan.