Skip to main content

Erayo jacayl oo ku haboon in aad markasta adeegsato





 
Ereyo Jaceyl oo Xanuun Badan

• Haddaad Maanta iga Tagtay Maalin Maalmaha kamid ah ayaad ii soo Laaban doontaa.

• Iga fogaaw ,igana dheeraaw waayo waad idayacday waqtigaan kugu baahnaa sida biyihii oo kale ,waan kuu haraadsanaa adigana waad I haraad goyn weysay oo waad I dayacday qalbigeyga ku xusuusan mayo Mardambe waayo Noloshayda oo dhan waad baa bi isey,Jacaylkii aan kuu qabay wuxuu isku bedelay nacayb,Aduunkaan inta joogta adiga ayaan kuu nebcahay.

• Gabadhani waa Gabadha Bur burisay Nolosheyda oo dhan wax walboo nolosheyda ka mid ah iyadaan siiyay iyada way I xumeysay, iima arxamin silac iyo saxriirbay igelisay,Suax,iyo iyo galab har iyo habeen way i hooojisay ixsaan iima aysan samayn.

• Waan Noolaan karaa la`aanteeda waayo waad I dhaawacday .

• Waad iga fogaatay Gacalisadeydiyey ,keligeyga ayaad iga tagay ,Aniga waan kuu waalan rabaa ,Sideen u Iloobaa Jaceylka aad ku abuurtay Qalbigeyga ,Qalbigeyga habeen iyo Maalinba waa Mashquul ,Kafakar Jaceylkeena Qaaliyey ,Wallaahi Haddaan ahaan lahaa Cunug yar waan ooyn Lahaa ,Dhawacaad iigeysatay Dartiis.

• Waqtigaad Qalbigeyga dhaawacday ilaa iyo hadda waan ku xasuusta Malana ku iloobi doono.

• waad iga oysiisay , abaayo waxaa iga da`aayo ilin fara badan in ka badan kun ilimood ,Dhaawacaad ii geysatay dartii, waad iga tagtay anigoo ku jaceyl waad I dayacday anigoo Gacliyahaaga ah, waad idulmisa

• Maxaad Jaceylka beenta ah Qalbigeyga ugu abuurtay hadaaba idaayaceysid, Farxiyooy Ma ogid miyaa Dhaawacaad iigeysatay inuu Qalbigeyga xanuunjinaayo,Maya Maya ma ogid xanuunka ihaayo laakin aniga dareemaayo dhawacaaga xanuunkuu igu haayo wuu idanqadaa markaasaan la xanuunsadaa,waxaan isku dayayaa inaan is adkeeyo umana adkeysan karo,waxaan sameeyo markaan waayo Gacmaha ayaan kor u taagtaa dhibkeygana Rabi baan u sheegtaa.

• Markaan isku dansheeganay Daaqadihii qalbigeygana aan kuu furay ayaad Duurka cidlo ah igu siideysay Daneysato miyaad aheyd ,Dulmi ayaad ila imaatay iyo Daryeel la`aan Dembi miyaan kaagalay .

• Nolosheydiyey Maxaad iiga fogaatay oo aad ii cidleysay kama fakareysid miyaa Nolosheyda,Farxadeyda iyo hormarkeyga,ma ogid miyaa inaan aniga la`aantaada Noolaan Karin hadaan loonaadana nolosha ay Cariiri tahay

Erayo macaan

1-Xayaati xalay dhan waan fikirayay markaas ayay Hal dhibic oo ilin ah iga soo dhacday , markaas ayaan weydiiyay oo aan iri maxaad banaanka ugu soo baxday , Dhibicdii ilinta aheyd waxa ay iigu jawaabtay waxaa jira qof aad u qurxoon oo indhahaada aad siiyay , marka aniga boos iigama banaana indhahaada .

2-Ogaaw macaan in xariirka uusan aheyn Game la ciyaarayo, ma ahan eray la iska yiraahdo, ma ahan mid bilaawda March oo dhamaanaya May , ogaaw waa beri, waa shalay , waa maanta waa mar waliba.

3-Haddii aad fariintaan tir-tirto taasi waxa ay i tusineysa in aad i jeceshahay haddii aad save gareysato waxa iyana ay ii muujineysa in aad ii baahan tahay haddii aad iska indha tirtana waxa ay ii muujineysa in aad ii xiistay .. hadaba wax aad sameyn kartid ma jirto loool .

4-Mararka qaar indhaheyga waxa ay ka maseeraan qalbigeyga , ma garaneysaa sababta maxaa yeelay mar waliba waxaad u dhawdahay qalbigeyga indhaheygana waad ka fog tahay(waan u xiisay aragtidaada.).

5- Ogaaw qaali jaceylka aan ku qabo ma dhimanayo ama ma dhamaanayo inta qoraxda qaboow ka noqoneyso xidigahana ka baaba`ayaan .

6-macaan ha siin Passwordka jaceylkeena ama xariirkeena qof maxaa yeelay haddii aad tiraahdo Passwordka waxa waaye I LOVE YOU taasi micnaheedu waxa ay tahay in uu igala ka wareegayo isla markaana aad ka baxeysid gacanteyda( Jaceylkaan qof kale ha iga siin)

7-Macaan waxaan doonayay in aan jaceylka aan ku hayo kugu soo dhiibo Pastman (kuwo warqadaha qaada) balse waxa uu igu yiri aad ayuu u culus yahay.

 

EREYO JACEYL OO MACAN 

• Qof walbo aan isku dayo inaan la Hadlo iyadaan Moodaa ,Ma-aqaano sababta.

• aad iyo aad ayaan kuu Jeclahay Waqti walbo adigaan kaafakaraa Dadku way ila yaabaan waqtigaan adiga kaa fakaraayo!!

• Farxadeydiyey aniga waan ku Jeclahay waxaan kuu Jeclahay sida aad u Jeceshahay Nafsadaada oo kale ,iftiinkii nolosheyda ayaad tahay ,Adiga Murugteyda ah adiga, Farxadeyda, ah ,Xanaaqeyga Raali ahaanshisiisa waa adiga, Jiradeydana Adigaa Daawo u ah , waxaan u Noolahay Adiga dartaada, .

• Qaaliyey Nolasha waa Qaali Da`duna waa siidii Ubixii oo kale Nolashaan ad u jeedo waa Maalmo kooban Jaceylkana waa hal mar ixasuuso Marwalbo haddaan ahay qof la Xasuusto.

• aad ayan kugu xiisay marwalbo waxaan hamiyaa inaan noqdo ilin ka dhalata indhahaaga kuna noolaado Dhaforkaaga korkiisa, kuna dhinto Bishimahaaga Korkooda.

• waan ku Jeclahay adigoo ii dhow waan ku Jeclahay adigoo iga fog,intaba adigaan ku jeclahay .

• aad iyo aad ayaan kuu Jeclahay waa tahay Nolasheyda iyo Qalbigeyga

• Gaclisadeydiyey adiga waxaa tahay Jaceylkeyga ugu horeeyey ugana dambeeyay waqti walbo xagaagi ayaan ahay .

• Gacalisadeydiyey Hadaadan adiga ila joogin wax farxad ah ma sameeyi .

• waligeyga kuma ilobi doono Maalin walbo iyo Saacad walbo ilaa ay geerida iga timaado

• Gacaliso Nolal ma jirto adiga la`aantaada Qof ma jiro aan nolasheyda ku aamini karo ilaan adiga ka aheyn waxaa tahay Qalbigeyga iyo Nolashyeyda Ha igu kalifin inaan u dhinto Jaceylkaaga Dartiisa.

 

 

W/Q   cilmi siciid

fadlan  like dheh page   Erayo jacayl   si aad u husho fariimo jacayl oo aad kusoo jiita

NB fadlan ilaali xuquuqda qoraaga . ogolaansho la'aana haqaadan

lasoo xiriir qoraaga WhatsApp  +249993396179 ama cilmisiciid2050@gmail.com

 

 

 

 

Comments