Skip to main content

Posts

Showing posts with the label ERAYO JACEYL OO QALBIGA TAABANAYA

QORMO JACEYL - XUBI XAASID MA WAAYO

  Waxey tiri gacaliye asxaabteyda qaar waxey ii sheegeen in aadan i jecleyn, iyo in aad ka tanaasushay jaceylkii aad ii haysay oo dhan, iyagoo doonaya in ay isku keena diraan. Waxey igu yiraahdeen tasho gabarey ninkaan wuxuu helay gabadh kale iyo waqti aanan macquul aheyn in uu ku xasuusto jaceylkaaga, waqtiga ha isaga lumin jaceyl aanan jirin. Waxaan u sheegay in aysan wax micno laheyn hadaladooda dhagteyda wey maqashaa tan kale ayaan ka sii daayaa, sababtoo ah waxeysan wsr u haynin sida aad ii jeceshahay. Xabiibi waxey marwalba iila hor fadhiyaan in uusan wax micno ah ku fadhinin jaceylka iyo farxadeena iyagoo doonaya in ay dhexdeena colaad shigaan farxadeenana bur-buriyaan. Gacaliye waxey wax badan igu yiraahdeen wuxuu kaaga fogaaday sida dayaxa uu uga fogaaday dhulka ee haku dan seegin doonistiisa wey cadahay in uusan ku jecleyn. Waxaan aniga u sheegaa mcne in aan kaa maarmin sida aanan cunada uga maarmin inaan ku soo haleeli karo ama ku heli karo daqiiqad walba ee aan ku soo x...

ERAYO JACEYL OO QIIRO BADAN

  Hadii aan ku siiyay kalsoonideyda ha luminin hadii aad qalbigeyga soo dagtayna ha dhaawicin, anigaba kuuma quureen dhib yar in uu ku soo gaaro raalina kama noqonayo.    Kalsoonida waa sida miraayada oo kale hadii ay mar jabtana lagama yaabo in dib la isugu keeno, qof naftiisa oo dhan kaa jeclaaday misna farxadiisa tahay waligaa ha dhaawicin.    Hal qof ayaa u qalma qalbigaaga waligaana haka dhigin hotel qof walba iska soo gala blse ka dhig qasri boqorkiisa kaliya dagan yahay farxadaadana kor u qaad.    Qofka dareenka qalbigaaga iyo farxada noloshaada jecel marna kaama fogaan doono xitaa hadey waqtiyadu is badalaan ama jawigu xumaado garabkaaga ayuu ahaan doonaa.   Dadka qaar waxey dhahaan wey adag tahay in la hilmaamo jaceyl aad sameysay misana guulsaro kaaga timid, blse xaqiiqda taas maahan isku dayga aad la timaado ku iloobi kartaa waa hadii aad horay u socod tahay.    Qofka jaceylka idinka dhaxeeyo wax walba wuu idin dhexmari kara...