Skip to main content

QORMO JACEYL - XUBI XAASID MA WAAYO

 




Waxey tiri gacaliye asxaabteyda qaar waxey ii sheegeen in aadan i jecleyn, iyo in aad ka tanaasushay jaceylkii aad ii haysay oo dhan, iyagoo doonaya in ay isku keena diraan.
Waxey igu yiraahdeen tasho gabarey ninkaan wuxuu helay gabadh kale iyo waqti aanan macquul aheyn in uu ku xasuusto jaceylkaaga, waqtiga ha isaga lumin jaceyl aanan jirin.
Waxaan u sheegay in aysan wax micno laheyn hadaladooda dhagteyda wey maqashaa tan kale ayaan ka sii daayaa, sababtoo ah waxeysan wsr u haynin sida aad ii jeceshahay.
Xabiibi waxey marwalba iila hor fadhiyaan in uusan wax micno ah ku fadhinin jaceylka iyo farxadeena iyagoo doonaya in ay dhexdeena colaad shigaan farxadeenana bur-buriyaan.
Gacaliye waxey wax badan igu yiraahdeen wuxuu kaaga fogaaday sida dayaxa uu uga fogaaday dhulka ee haku dan seegin doonistiisa wey cadahay in uusan ku jecleyn.
Waxaan aniga u sheegaa mcne in aan kaa maarmin sida aanan cunada uga maarmin inaan ku soo haleeli karo ama ku heli karo daqiiqad walba ee aan ku soo xasuusto.
Suldaankeygiiyoow saaxiibadey oo dhami waxey ii sheegeen in aad jaceyl cusub yeelatay waxeyna isoo gaarsiiyaan wax walba ood sameyso blse aniga maba aamino.
Waxey kaloo xabad xabad ii tusiyaan wax walba ood ku sugan tahay, ama meel walba ood mareysid waqti walba iyo qof walba la joogtid ood waqti la qaadaneysid.
Waxasnse ku dhahaa wax dhib ah malahan wax walba uu yahay anigaa ku jecel oo ku faraxsan mcney intaad ii sheegeyso in aad i jeceshahay cidna hadalkooda ma aamino.
Boqorkeygiiyow waxaan kaloo kuu sheegayaa in aad i heli karto waqti walba aad ii soo baahato ood ila soo xiriirto waxaan kuu daawadaa sida dayax afar iyo tobnaad oo kale
GABADH DAACAD AH TAN HAKAA AHAATO

Comments