Skip to main content

ERAYO JACEYL OO QIIRO BADAN

 



Hadii aan ku siiyay kalsoonideyda ha luminin hadii aad qalbigeyga soo dagtayna ha dhaawicin, anigaba kuuma quureen dhib yar in uu ku soo gaaro raalina kama noqonayo. 
 
Kalsoonida waa sida miraayada oo kale hadii ay mar jabtana lagama yaabo in dib la isugu keeno, qof naftiisa oo dhan kaa jeclaaday misna farxadiisa tahay waligaa ha dhaawicin. 
 
Hal qof ayaa u qalma qalbigaaga waligaana haka dhigin hotel qof walba iska soo gala blse ka dhig qasri boqorkiisa kaliya dagan yahay farxadaadana kor u qaad. 
 
Qofka dareenka qalbigaaga iyo farxada noloshaada jecel marna kaama fogaan doono xitaa hadey waqtiyadu is badalaan ama jawigu xumaado garabkaaga ayuu ahaan doonaa.
 
Dadka qaar waxey dhahaan wey adag tahay in la hilmaamo jaceyl aad sameysay misana guulsaro kaaga timid, blse xaqiiqda taas maahan isku dayga aad la timaado ku iloobi kartaa waa hadii aad horay u socod tahay. 
 
Qofka jaceylka idinka dhaxeeyo wax walba wuu idin dhexmari karaa, Qilaaf, Dagaal, Muran, blse xaqiiqda waxey tahay waxaas oo dhan jaceylkiina ka weyn ee ilaashada.
 
Waligaa ha iloobin balantii aniga iyo adiga dhexdeena taalay, jaceylku maahan sidaad u hilmaamto ee 
waa sidaad u xafidato, mana ahan sidaad u maqasho waa waa dareen. 
 
Waxan kaa dhageystaa xaqiiqdii dhawaaqa wadnaheyga waliba si daran ayaan kuu dareemaa ahmiyad waxaad agteyda ka leedahay qof kale waligiis ka lahaan doonin. 
 
Ma awoodid qof aad jeceshahay in aad ka fogaato lkn mar haduu kaa daneystay qof kalana kaa aaday maxaa kuu diidaya adigana in aad noloshaada is badal ku sameyso.
 
Jooji daba cararka qofka aanan kuu baahneyn waxaa kaa lumaya fursado badan ood ku heli laheyd qof isaga ka wanaagsan jaceylkii iyo farxadii uu ku siin jiray mid ka badan ku siiya ayaa wadada ku soo jiree oohinta jooji.

Comments