Skip to main content

QALBI KU AAMINAY WALIGAA HA QIYAAMIN - QORMO JACEYL

 




Mararka qaarkood nolosha ayaa kugu adkaata marka aadan haysan cid ku fahanta ee kula dareenta dareenka kuu qarsoon, ee huriyay wadnahaaga maskaxdaadana fikir ku daaliyay.
Blse waxaa taa ka sii daran in qofka aad maciin bido uu kula yaabo oo uu wax laga bad-badiyay oo xadkiisa la dhaafiyay u arko dhibkaaga iyo culeeska ku haysta..
 
Waxaa caado ah in qofka cida ugu badan ee sirihaaga u sheegta in ay tahay asxaabtaada ama saaxiib gooni kuu ah oo kaaga soocan dhamaan asxaabtaada kale si ay talooyin kaaga siiyaan.
Blse waxaa nasiib daro ah in ay saaxiibadaada ku fahmi waayaan ama ku dareemi waayaan markaad u sheegato dhibaatada ku haysa iyagoo moodaya in aad la kaftameyso. 
 
Waxa aad dareemeysaa kali xitaa hadii aad leedahay lamaane blse dhibaatadaada uusan kula dareemeynin, iyadana waa murugo kale adigoo jaceyl haysto hadana cidlo joog tahay. 
 
Waxaa jira dad badan oo kalinimo ku nool markaad weydiiso ood ku dhahdo jaceyl miyaad leedahay ku dhahay waan leeyahay wax faa'ido muuqdo ah aysan ku haysanin. 
 
Dhalin badan oo waxaa jirta jaceyl haysta hadana aan ka helin farxad, rajo, nolol, hami, kalsooni dhab ah, wehel joogto ah, xiriirin badan, waqti aanan la siin iyo dhoola cadeyn. 
 
Waxaa kaloo jira oo la yaabay rag iyo dumar jaceyladoodii ka tageen, iyagoo murugo iyo xaalado halis ah ku nool inta dad wanaagsan u yimaaday farxad iyo jaceyl u hibeeyay. 
 
Waxaad arkeysaa kuwii shalay qiyaamay ee ka tagay in ay waayaan farxadii ay ka heli jireen dadkii ay qiyaameen, kadibna u soo laabanaya wiilashaas ama gabdhahaas. 
 
Kadibna isla shalay dhibaatooyinkii ku jireen dadkii ka soo saaray ayay dhaawacayaan waxeyna ka dooranayaan dadkii cidlada uga tagay dumarka ha ugu badnaadeene.

Comments