Skip to main content

FARIIMO JACEYL OO CALAACAL AH

 




Waxaa jira dad dabiici ahaan wanaagsan, qalbigooduna weyn yahay, wey ku cafinayaan Mar koobaad, Mar labaad, Mar sadaxaad, iyo Mar afaraadba, Laakiin hadaad ka bad-badiso wey tagayaan waligoodna dib kuuguma soo laabanayaan, xusuusnoow qofka iska indha tira qaladadka aad ka galeyso una dulqaata ma ahan doqon sidoo kale mana ahan indhool. 

 
Taas badalkeeda isaga waaye qofka jaceylka xad dhaafka ah kuu qaba oo aanan dooneynin in uu sekin qura ku waynin, isaguna wuxuu isku dayayaa sida ugu fiican in uu kuu ilaaliyo. 
 
Laakiin waxaa laga yaabaa in uu gaaro heer uusan maqli karin xitaa cudur-darashadaada sababtoo ah qalbiyada nadiifka ah oo wax jecel hadey mar niyad jabaan dib uguma laaban doonaan sidii hore. 
 
Waqti badan ka dib ayay halkaan ku kulmeen iyadoo maalin ciid ah wuxuuna ku yiri waan kuu xiisay waqtigii aan kala maqneyn. 
 
waxaan ahay ruux kuu ooman waxaana la liitaa jacayl aan kuu qabo waxaana dareemi kartaa heerka uu gaarsiisan yahay iyo xanuun uu leeyahay qof sidayda oo kale dhibane u ah, runtii uma malaynayo 
jacaylka aan kuu qabo in uu yahay mid qof bini aadam ah lagu daawan karo, waayo bartamaha habeenkii kama bogto hurdada oo boga iyo wadnaha beerkaad buul ku leedahay , biyaha aan cabaayiyo baadka aan cunaayona bilaahan ku dhaartay bidhaantaadaa iiga roon .sidaa daraadeed walaal waxaan kaa codsanayaa in aad I fahanto oo culayka isranee aan kaliga ku ahay iga qafiifiso , ogow in aad tahay qof noloshayda ku dhex beeran oomarna aad kaa maarnin .
 
ERAYO JACAYL OO XIISO LEH

Waxaan kaloo u xiisay siday farahaagu u dhaafeen timaheygu, waxaan u xiisay codkaagii macaanaa waxaana u xiisay qaabkii aad iigu sheegtay in aad i jeceshahay. 
 
Waan kuu xiisay sida aad ii eegtay waxaan kaloo u xiisay rabitaankaaga i aragto iyo hilowga aad ii qabto, iyo markey wax cusub igu soo siyaadaan nolosheyda. 
 
Sidoo kale waan kuu xiisay sababtoo ah waxaad tahay qofkii iigu horeeyay ee aan jeclaaday nolosha macaana i dareensiiyay la'aantaana waa nolol la'aan. 
 
Waan kuu xiisay waaqti walba iyo daqiiqad kasta ee nolosheyda soo marta, blse waxaan si saa'id ah kuugu xiisaa marka aan hurdada ka tooso indhaha kala furo. 
 
Waxaana ka fikiraa dhamaan waqtiyadii iyo noloshii macaaneyd ee soo wada qaadanay, waxeyna ahaayeen waqtiyadii nolosheyda ugu mudnaa ee aan adiga kula soo qaatay. 
 
Waxaan kaloo u xiisay dhoola cadeyntaadii qalbigeyga ku qaboobi jiray kuna xasili jiray niyadeyda jawi dagana agtaada ku dareemi jiray, aad baan kuu jeclahay kuuguna xiisay. 

Comments