Skip to main content

ERAYO JACEYL OO DARDAARAN AH

 




"Jaceylkaaga yuusan noqon kalifaad xanaaqaaguna yuusan noqon mid bur-bur keena"
▪︎Jaceylkaaga ha noqdo mid qalbigaaga ka soo go'ay sababtoo ah jaceylka daacadnimo ayuu doonayaa hadaadan daacad u noqon karin hadaba banaankaaga ka joog.
▪︎ Jaceylka aad is leedahay hebel ama hebla ku qanci oo waqtigaaga isaga lumi ogoow qofkaas in uu si dhab ah kuu jeclaan karo qalbi si dhab ah kuu jeclaaday hadaad qiyaanto bal maxaa kuu dambeyn doono.
▪︎Jaceylka quudkiisa waa daacadnimo iyo runta, sida calooshaba u quudato cunada iyo biyaha jaceylka dhalinta qaar dhagta ayay ka maqleen halka dadka qaarna ay u sameeyaan hebel ama heblo wey sameysee adne samee.
▪︎Jaceylka mar haduu shuruudo iyo dano gooni ah lagu soo daro ogoow in uu dhiig bax iyo daryeel si tartiib tartiib ah ugu dhimanayo qof aanan jaceylka ilaalin guusha wuu ka fogaadaa xaqiiqda jaceylka baro.
▪︎Jaceylka sahal ayuu ku bilowdaa si sahlana waa lagu wadi karaa laakiin waxaa adag ilaalintiisa iyo daacad u noqoshadiisa marka horaba hadaadan ku bilaabin niyad wanaag.
▪︎Jaceylka dhabta ah wuxuu la mid yahay sida adigoo lagu yiri bada dabaal ku gal iyada dhana dabaal ku mar blse ogoow laba mid ayay kugu noqoneysaa in aad ku dhimato bada ama in aad hesho qof ku bad-baadiyo.
▪︎Jaceylka wuu ka dhib badan yahay adigoo lagu yiri dab holcaya gal ee dhinaca kale uga bax naftaada ayaad ugala baqeysaa hadaba ogoow jaceylka dabkaas wuu ka halis badan yahay lkn dadkeena wey ku ciyaarayaan.
▪︎Jaceylka wax dhibaato ah malahan wuxuu wataa nolol qurux badan iyo farxad aanan xad laheyn dunida ka balaaran blse dadka ayaa dhibaatooyin iyo bur-bur u horseeda iygoo jaceylkii ku xira sjuruudo iyo dano u gooni ah.

Comments