Skip to main content

ERAYO JACEYL - ERAYO JACAYL

 



Ma jiro goor iyo goob u gaar ah jaceylka, waxa uu u dhacaa si shil ah, in uu wadne ku garaaco, in hilaac (Biriq) ku dhaco, mudo aad u xanuun badan ayuu ku dhacaa
 
Jaceylka waa sida canjirka (Laastiiga) oo laba gacood kala jiideen, haduu midkood sii daayo, kan kale ayay xanuunjineysaa.
 
 Jaceylka ugu wanaagsan waa kan kaa dhiga ruux ka wanaagsan sidii hore, isaga oo aanan badaleynin cida aad tahay, kaana dhigeynin cid aanan aheyn.
 
Jaceylka waa nolol macaan oo qurux badan marba hadii aad heysato qof si dhab ah kuu jecel, noloshana kula fahma si kastoo waqti iyo waayuhu isku badalaan.
 
Jaceylka waa xanuunada ugu xun ee laga dareemo gudaha qalbiga, waana jaceyl ay dad badani la xanuunsan yihiin, halka kuwa qaar isku dileen, kuwa kale ayaa u waashay dadkii ay jeclaayeen dunidana ku silicsan. 
 
Jaceylka nolosha wuu qurxiyaa sida ubaxa dhirta u qurxiyo oo kale, waxaa laga yaabaa saacadaan aad qoraalkaan akhrineysid in uu qalbigaaga ku jiro qof aad jeceshahay. 
 
Adiga oo u rajeynaya wanaag iyo farxad mug weyn leh,...Laakiin aan mid kuu sheego dadka dhan isku dareen maahan hadii aad adiga ka fikireysid qof aad jeceshahay. 
 
Misna jaceylkaaga kuu og macnaha xiriir idinka dhaxeeya, waxaa jira kumaan qofood oo ka fakaraya qof aanan dareensaneyn jaceylmooda ama xitaa kuwa ka fakara qaar xumeeyay oo balan iyo axdigii u dhaxeeyay kaga baxay...Cajiib. 
 
Ugu dambeyn ha murugoon hadii lagu xumeeyay ama balantii lagaaga baxay sabanta oo ah geedka gobka ah wuxuu ka mid yahay geedaha kuwa loogu jecel yahay. 
 
Waliba janada ayuu ka baxaa hadana maalin walba dhagax beynu ku tuurnaa ama ul beynu ku garaacnaa caleemihiisana dhulka ayay ku soo daataan, sidaas ay tahayn miro macaan baanu ka helnaa.....Allahu Akbar
 

Comments