Skip to main content

ERAYO JACEYL - DAREEN TABIN

 




Ma qasab baa ineynu u xiisno kuwa tagay waliba dhaqaaqay socod aanan soo noqosho ka muuqan, kuwa aynu rabnay kuna bixineynay waqtiga iyo maalmaheenii wacnaa oo dhan. 
 
Maxey inoo siin waayeen ogolaanshaha aynu ku oran laheyn Erayadii ugu dambeeyay inta aysan naga tagin ka hor si aan u ogaano dareenkooda. 
 
Nolosha kuma qurux badna kalinimo wehel ayay dooneysaa blse marwalba waxaan aaminaa qof qaldan kalsooni fara badan ayaan u hibeynaa lkn sidaan ka rabnay kamaba helno. 
 
Kuwa naga tagay wey fiicnaan laheyd in ay hal jaanis nasiiyaan si aan ugu sheegno wax walba oo dareenkeena ku saabsan anagoo faraxsan macsalaameyno waliba sagootino
 
"MAXAAD ODHAN LAHEYD ADI?
Waan sii macsalaameyn lahaa waxa aan u sheegi lahaa dareenada quruxda badan ee aan horay ula soo qaatay, jaceylkaan u qabo daraadiisa. 
 
Waxaan uga warami lahaa sida aysan nolosha dha-dhan u laheyn iyaga dabadood, sida aan ugu xiisay, ii maqal saaxiib dhamaantooda uma wada xiisin laakiin qof baan si gooni ah ugu xiisay iimana muuqdo. 
 
Waxaan dareemayaa in uusan iga dheereyn uu ii dhowyahay, laakiin uu qalbigiisa si aad ah iiga fogeeyay blse maalin uun wuu isoo raadin laakiin waligiis ima heli doono. 
 
Waan hubaa markuu waayo sidaan u jeclaa qof u jeclaata misna farxad iyo nolol macaan u hibeysa ayuu dib ii soo xasuusan doonaa waqti aan niyadeyda xusuustiisa ka tirtiray. 
 
Murugadaan kuma sii waari doono dunidaan qof walba wuxuu ku leeyahay qof boqor ah anigana boqorkeyga wuu imaan doonaa safar ayuu ku soo jiraa waana samri doonaa.

Comments