Skip to main content

GABAY JACAYL AH

 





WAXAAN HALKAAN IDIINKU SOO GUDBINAYAA GABAYO KA HADLAAYA  JACEYLKA IYO WAXA UU YAHAY ,

GABAYGA UGU HOREEYA WAXAA UU NOQONADOONAA :

  1. SAYNAB WAA HELIYEE

Gabaygaan jacaylka ah waxaa tiriyey abwaab aan magaciisu nasoo gaarin se ahaa nin jeceylka aad ugu xeel dheer sida gabaygiisa ka muuqata ee aad arki doonto waxa uu ku bilaabay sidatan ;

  1. Saalaxoow adaa soconayoo qaatay salabkiiye
  2. Salaama allayeeyow hadaad saaxil nabad gaadho
  3. Sawd yar aan ku faro iiga gee saynab waa heliyee
  4. Saqda dhexe habeenkii hurdada waa ka salalaa dheh
  5. Soortana ma cunno aawadaa saa’im saan ahayn dheh
  6. Saddax goorta aan qaado ayaan subax quraacdaa dheh
  7. Waxaan sararo weynaa beryahan samay ka dhuubnaa dheh
  8. Saraawiisha waa iga bateen igu sameysnaa dheh
  9. Hadba aniga oo soconayaa sare u qaadaa dheh
  10. Salaam qudha hadaad soo dirtoo , subax la ii keeno
  11. Adiga oo ila fadhiya kama sokeyseen dheh

Gabayga ku xiga waxa lagu magacaabaa :

    2. Samiroo dulqaado

  1. Sidee daba aduun yadu
  2. waa saacad qura oo
  3. marbay kuu samaataa
  4. marna way sir gaxantaa
  5. siduu saadir kuu qaray
  6. yay saani noqotaa
  7. ruuxku siray ma fiinee
  8. hasaluugin noloshoo
  9. ha sahwiyin jecelke
  10. samiroo dulqaado
  11. samaantiyo xumaantuba
  12. waa labo siraadoo
  13. ruux kastaaba sugayoo
  14. loo wada samays mee
  15. Naftu saad kayeeshay
  16. Hadba saad ka dhigatay
  17. Dadku kuu sawirayaan
  18. Adigaa jaceylkiyo jinigaba u yeertee
  19. Adigaa jajuubkiyo jilibkaba samaystee
  20. Adigaa jidkii iyo jihadii ka leexdee
  21. ruuxku siray ma fiinee
  22. hasaluugin noloshoo
  23. ha sahwiyin jecelke
  24. samiroo dulqaado

Comments