Skip to main content

Maxaa lagu gartaa jacaylka dhabta ah ?

 




  • Naftu qaali weeyoo
  • Qiimaha aduunyada
  • Qof in ay jaclaatona
  • Qaadir kaa u uumau

                                            HORDHAC

Waa maxay jacayl ?

 Sida aynu wada ognahay jacaylku waa dareen ama rabitaan ku samaysan qofka bini aadamka ah meesha ugu horaysa oo laga dareemona waa qalbiga , dadka qaar ayaa u macneeya eraygan jacayl sidatan ( JACAYL = LOVE , kadibana love yaa waxaa loo sii kala qadaa afar eray oo kala ah .

L = Listen (dhagaysi)
O = Over look (daryeelid)
V = Value (qiimayn)
E = Express (muujin kalgacal ) .

Marka ugu horaysa ee ay labada qof is bartaan ama ay is arkaan oo ay indhaha isasaaraan waxaa loo yaqaaan kahalitaan ama kahelid ( ka helitaanku waa in aad ku qanacsan tahay lahaa saawitaan qofka aad rabto in uu xiriir cusub kula yeesho oo ay markaas isugu kiin horayso ).

Mudo kadib hadii labadii qof ee is baratay xiriirkooda ka run sheegaan waxaa la helayaa jacay dhab ah. Hadiise  Been iyo khiyaaano lays waydaarsado ama midkood uu layimaado waxaa imanaya jacayl aan afka dhaafsiisnayn oo labadiisi garab mid maqan yahay .

Hadaba waxaa is weydiin leh ma jiraa siyaabo lagu kala saari karo jacaylka dhabta ah iyo kan beenta ah?  Waxaa jira qaabab badan oo aad ku ogaan karto qofka dhab kuu jacayl iyo qofka ay dhalanteedka ka tahay .

Jacaylku ma ahan wax qarsoomikara qofka ay dhab ka tahay had iyo jeer waxa uu jacayl yahay in uu arko qofki uu jeclaa mana ogola in uu ka dheeraado waayo maankiisa ayaba diidaya oo waxaa aad ugu wey qofka uu jacayl yahay taasi oo ku kalifaysa markasta in uu ka war qabo si uu san uga murugoon ama aanu walwal u dareemin , Taas badalkeeda qof jacaylka khiyaaliga ah wada wax qiimo ah uma lahan qofka kale oo uu jacaylku ka dhexeeyo kaas oo laga baayo in ay isaga dhab katahay ,

Qofka jacaylka ka run sheegaya markasta waxa uu ku dadaalaa in uu kamiro dhaliyo ama ka guul gaaro jacaylkiisa si uu arintaas uga dhabeeyona waxa uu aad ugu dadaalaa sidii ku u qancin lahaa qofka ay lamaanaha yihii oo ay jacaylka wadaagaan,

Gabadha ama wiilka uu jacaylku dhab kayahay marar badan waxaa niyadooda kusoo dhaca qofkii uu jaclaa waxana uu qalbiga ka dareemaa kalgacay taasi oo horseeda in qofka uu jacayl yahay dhib iyo dhaafta la qaysada heer uu gaaro in uu naftiisa ka hormariyo , Balse qofka wada jacaylka aan afka dhaaf siisayan had iyo jeer waxa uu ka shaqeeyaay lagooyada iyo khiyaamayda qofka ay jacaylka beenta ah wadagaan ,

 

Xaga balanta iyo ilaalinteeda oo ah calaamda ugu weyn ee aad ku kala saari karto jacaylka dhabta iyo kan beenta ah ,qofka si xiqiiqo ah kuu jacayl waxa uu aad u ilaali yaa balanta isaga oo aad u dhowrayo ilaalinta waqtiga waayo qofka ay balanta leeyihiin uma arko qof caadi aha taas badalkeeda jaceyl uu ku jecel uu kuu qabo ayaa waxay u sababaysaa inuu kuu arko qof la kulankiisu ay aad qaali u tahay.

W/Q    Cilmi  siciid

NB............. fadlan ilaali xuquuqda qoraaga . ogolaansho la'aana haqaadan

lasoo xiriir qoraaga cilmisiciid2050@gmail.com

Comments