Skip to main content

Posts

Showing posts from June, 2022

FARIIMO JACEYL OO MACAAN BADAN

  Ma ogtahay jaceylka aan kuu qabo inta uu la egyahay, waxaan kuu jeclaaday inta la jeclaado qof bini'aadam ah halka u sareysa Waxaan kuu jeclaaday qof adiga kaa horeeyay si aanan u jeclaanin, iyo si aanan qof adiga kaa dambeeya aanan u jeclaan doonin Waxaan kuu jeclahay, jaceyl hadii dumarka dunida ku nool loo wada qeybin lahaa dhamaantooda wada deeqi lahaa Waxaad ii qeexday macnaha farxadu leedahay, waxaad dhadhan iigu yeeshay dhaqanka ay diinteena leedahay Waxaad kaabtay nolol aan filayo adiga la'aantaa inay waxba ii suuroobeynin, hadii aanan adiga ku haysan Sida aad ii bartay naxariista iyo dulqaadka, ayaan anigana kuu barayaa farxada, sida aad nafteyda xasiloonida u bartay, ayaan anigana qalbigaaga daganaanta u barayaa Sida aad kalsoonida iigu muujisaa anigana kalgaceylka qalbiyadeena wehel uga dhigaa, sida aad laabtaada iigu haysaan, anigana kuu kool-koolinayaa Hadii aan awood buuxda leysiin lahaa in aan qalbigaaga xukumo, waxa aan indhahaaga ka ilaalin lahaa ilmada niya

ERAYO JACEYL OO AAD U XANUUN BADAN - ILEEN BEEN BAAD ILA JILEYSAY

  Waan nabad qabay, ka hor Aragii, Barashadii iyo la kulankaagii maalmihii wacnaa ee na soo dhaafay, waxaan ahaa wiil gabi ahaanba ka maran haasaawe haween. Caadeysi, Calaacal, U jajabnaan jaceylka gebi ahaantii, waadse badashay, bur-burisay, ood meesha ka saartay gebi ahaan fikir iyo cadaadyadii waxaad ii noqotay isha aan aan farxo, igana murugsiin kartaa. Waxaad iga dhigtay baahane aragaaga u baahan, sekin iyo saacad kasta waxaad sabab u noqotay noloshaada aan nowday bukaan daawo, dabiib iyo daganaan hadalkaaga kaliya ugu filan yahay. Waxaad ii yeeshay boqolaan balwadood oo Araga, Maqalka, Baahida, Xiisaha, Maqalka, iyo Boholyowgaagu ka mid yihiin, waxaan arkay awood iyo itaal kasta oo aan dunidaan ku joogay in uu jaceylkaagu waxba kama jiraan ka dhigay. Marna waxaan ilaaweyn in si kasta oo xeerarka nolosheydu u arkayeen inaad aheyd qofka kaliya ee aanan iska xadeyn karin xeerka iyo sharciyadeyduna qaban karin. Waxaad noqotay sidii madaxweyne kali talis ah oo bulshadiisa ka fogeeyay

ERAYO JACEYL OO CALAACAL IYO WAANO AH

  IGA RAALI NOQO MA SOO LAABAN KARO    Fahmid la'aanta aad i fahmi weysay ma aysan noqon kaligeed waxa ina kala fogeeyay, balse waxaan qaadan waayay is daba marintaada iyo laaca dhal-dhalaalka been abuurka ah, Kadibna ay ku tuseen dadkii aad la jaalka aheyd, wax macno ah ma sameyneyso inaan kuu calaacalo, balse dareenka aan kuu hayo sir iyo caadba isagoon qarsooneyn waan kugu tusay.    Doorashadaadiina wey kaa qaloocatay, oo anigoo si dhab ah kuu jecel waliba farxad walba ku dareensiin jiray ayay iga kaa weecisay, taasina ma aysan kabin jabkii dhexdeena yaalay. Anigu waan tagay mana soo laaban karo ma lihid awooda aad danteena ku kaabi laheyd, sababtoo ah wali dhabtii iyo dheeshii ayaa isaga kaa dhex yaacsan.    Waana damacaaga u iyo hogaansanaantiisa wali waxaad jeceshahay ayaadan baran sida loo ilaashado, wanaag oo dhan korkaaga ha ahaato.    Farxad ku dhameyso maalmaha dhalanteedka ah ee runta mooday anigana waqtiga iiga lumineysay, waxaan ka xumahay sidaad ii indha sarcaaday an

ERAYO JACEYL OO KU HABOON LAMAANAHA IS JECEL

    Jeexeygii "143" waxaa jiraya hal nolol, waxaa jirta hal duni, waxaa jira hal dareen, waxaan ahay hal ruux kaas oo adiga ku jeclaaday. Marka aad laabteyda ku jirto waxaan anuga dhankeyga ka dareemaa xasilooni aanan yareyn iyo daganaan adiga kaa helay. Qalbigeygana waan kugu haystaa daqiiqad walba xusuustaada niyadeyda ayay ku sii faafeysaa kamana tirmi doonto. Waa macquul in ay ku soo maraan waqtiyo badan oo kala ah qaar adag, qaar xanuun badan, qaar dhaawacyo badan, iyo qaar kale oo farxad iyo nolol ka hesho. Mcney jaceyl hadii aad maqasho waa farxad, waa nolol qurux badan, intaas iyo in ka badana adiga ayaan kuu qabaa. Laakiin afkeyga kaliya kaagama dhahaayo waan ku jeclahay, blse qalbigeyga ayaan kaa leeyahay si dhab ah ayaan kuu jeclahay. Qalbigeyga wuxuu kuu muujinayaa in uu waqtiyada adag iyo waqtiyada farxada uu garabkaaga taagan yahay. Waan ku jeclahay "Dhagaheyga waa u maqal, afkaaguna waa u oraah, ruuxdeydana waa u xasil, niyadeydana waa u neecoow, Gacalis

FARIIMO JACEYL QOF KAA FOGAADAY - ERAYO JACEYL QOF KAA TAGAY

    FARXAD KU WAAR!!! ___________DHAMBAALO JACEYL___________ Waad iga tageysaa anigoo si dhab ah kuu jecel, waxaad iga tageysaa ma markaad ogaatay qalbigeyga in uu adiga kugu waalanayo, noloshana adiga kugu koobay. Ka hor inta aadan iga tagin, nolosheydana aadan ka bixin, waqti yar isii ii ogoloow in aan kuu sheego dareemayaal gubaya qalbigeyga. MAHADSANID Waxaad aheyd ruuxii i baray sida jaceyl dhab ah loo bixiyo, xaqiiqdii waligey qof adiga kaa horeeyay umaanan jeclaanin sida aan adiga kuu jeclaaday. Kama qoomameynayo kala fogaanshaha dhex-deena ka dhacaya, sababtoo ah waxaa dhamaaday waqtigii inoo qornaa jaceylkana halkaan ayuu xiligiisa ku ekaa. Markii ugu horeysay aan ku baranayay aniga qalbigeyga wuxuu ahaa mid saafi ama nadiif ah, oo aanan wax dhaawac ah qabin, blse maanta adiga dhaawac baad igaga tageysaa. Sidaan markii ugu horeysay ee shalay markii aan is baraneynay gacma furan kuugu soo dhaweeyay, ayaan maanta markaad iga tageyso gacma furan kuugu sagootinayaa. Sidaan waqti

FARIIMO JACAYL OO MURUGO BADAN - MAXAAN KUU JECLAADAY

  Waxaad ogaatay in aan ku jeclahay, blse ismaadan weydiinin sababtaan kuu jeclaaday, taasina waa sababta aad marwalba u sababsato dhaawaca qalbigeyga Waxaan isku dayay marar badan in aan kugu dhaho iga daa dhaawaca aad qalbigeyga u geysaneyso waan danqanayaa blse markasta waxaan xasuusan jiray in aan ku jeclahay Dadka qofkaad is barataan waad u dabeecad wacan tahay, blse aniga oo agtaada farxad ka soo doonta waad igu dabeecad xun tahay, oo indha aad igu aragtidba ma qabtid Maxaan kaa galabsaday oo sidaan iigu galeysaa, ma jaceylkaan kuu qaaday ayaa dambi ahaa, mise adiga ayaanan u qalmin jaceylka aan kuu qabo Blse maanta kadib ma heli doontid cid kaa fikirta ama wehel kuu noqota sababtoo ah aniga markii aan kaa fogaado meel dheer markaan tago ayaad ogaan doontaa waxaan kuu ahaa ama sidaan kuu jeclaa Aduunyada la yaab malahan markaad aragto lamaanahaagii aad farxada ka soo doonatay blse aadan ka heleynin wax dhoola cadeyn ah waxaad ku faraxdaa markaan nolol mugdi galo

ERAYO JACEYL OO CALAACAL AH - BAL MAXAAD IGU NACDAY

  Bilowgii barashadeena waxaad aheyd mid wajigiisa wanaag ka soo ifaayo oo afkiisuna aanan aqoon hadal xun iyo caro midna kuleel iyo dhibaato aanan marna lagu arkeynin.  Waxaad nafteyda ku abuurtay rajo iyo yadidiilo aad igaga kasbatay wanaagaaga iyo waxtarkaaga, waxeynu aheyn laba Ruux oo isku beer nugul kalgacalna isku marxabeysiiy. Qof nafteyda ku sasaba wanaag iyo samaan qalbigeygana dareensiiya jaceyl dhab ah waxaad kaloo aheyd qof nolosheyda muhiim u ahaa waliba aan ka doortay Rag dhamaantiis.    Waxaad igu haasaawin jirtay sheekooyin xiisa badan i geliya oo aad iigu sawiri jirtay quruxda uu yeelanayo mustaqbalkeena iyo farxada aad isiin doontid oo neecawda ka soo horeyso ay nafteydu ku xasileyso. Uma baahan jirin cid kale oo aan adiga aheyn waayo adigaa wehelkeyga ahaa oo iga war hayn jiray, waxaad igu waanin jirtay in aan daqiiqad walba aynu wada qaadano oo waaga ayaa noo baryi jiray sidaan u qosleyno.    Gabalkuna wuxuu dhici jiray inagoon kala dhargin waxaad ii aheyd salaanka

Erayo jacayl oo calaacal ah

   waxaan ahay ruux kuu ooman waxaana la liitaa jacayl aan kuu qabo waxaana dareemi kartaa heerka uu gaarsiisan yahay iyo xanuun uu leeyahay qof sidayda oo kale dhibane u ah, runtii uma malaynayo  jacaylka aan kuu qabo in uu yahay mid qof bini aadam ah lagu daawan karo, waayo bartamaha habeenkii kama bogto hurdada oo boga iyo wadnaha beerkaad buul ku leedahay , biyaha aan cabaayiyo baadka aan cunaayona bilaahan ku dhaartay bidhaantaadaa iiga roon .sidaa daraadeed walaal waxaan kaa codsanayaa in aad I fahanto oo culayka isranee aan kaliga ku ahay iga qafiifiso , ogow in aad tahay qof noloshayda ku dhex beeran oomarna aad kaa maarnin .  Qalbigeyga wuxuu u kala go'ay gabal gabal sidaad iiga fogaatay nafteyda aad bey u qeylineysaa iyadoo ilbiriqsi kasta agmaraya.    Maqaarkeygu wuxuu dareemayaa qaboow isagoo diirimaadka ka sii baaba'aayo indhaheyga ilmo aayar u sii qul-quleysa.    Waxeyna si tartiib ah hoos ugu daadanayaan dhabanadeyda daqiiqad kasta lugaha mardambe iima

SIDEE U OGAAN KARTAA JACEYLKA DHABTA AH ?

Xaqiiqdii waa Erayo ama tabashooyin ay qabaan asxaabta intooda badan waxey ku wareersan yihiin sidey ku ogaan lahaayeen qofka sida dhabta ah u jecel iyo kan kale. Muhiimada ugu weyn aan kaga hadli doono waxey tahay jaceylkaaga marka uu daacad kuu yahay rerkaaga si aysan kaaga walwalin ayuu kaaga walwalayaa marwalba. Xaqiiqdii siduu kuu xushmeeynayo aad agtiisa ugala weyn tahay ma jirto qof sidaas oo kale ugala weyn, xiriirkiisa wuu badan yahay hadaad murugo ku jirto wuu kaa farxinayaa. Marwalbana garabkaaga ayuu taagan yahay eray walba oo afkiisa ka soo baxa ficil ahaan ayuu kuugu sameeyaa si aanan looga baran wax walba uu ku hadlayo in ay been noqdaan. Wuxuu diyaar u yahay nafsadaada dhibaato walba oo ku timaada sida in aad xanuunsato, in aad culeesyo badan dareemeyso, in aad dhibaato ku jirto, inaad murugsan tahay. Xiriirkiisu ama waqtiyada uu kula qaadanayo in aysan waligood is badalin haduu 10 sano ku jeclaa xitaa, marna is badal kuma baraneysid sababtoo ah si dhab ah ayuu kuu

QORMO JACEYL - XUBI XAASID MA WAAYO

  Waxey tiri gacaliye asxaabteyda qaar waxey ii sheegeen in aadan i jecleyn, iyo in aad ka tanaasushay jaceylkii aad ii haysay oo dhan, iyagoo doonaya in ay isku keena diraan. Waxey igu yiraahdeen tasho gabarey ninkaan wuxuu helay gabadh kale iyo waqti aanan macquul aheyn in uu ku xasuusto jaceylkaaga, waqtiga ha isaga lumin jaceyl aanan jirin. Waxaan u sheegay in aysan wax micno laheyn hadaladooda dhagteyda wey maqashaa tan kale ayaan ka sii daayaa, sababtoo ah waxeysan wsr u haynin sida aad ii jeceshahay. Xabiibi waxey marwalba iila hor fadhiyaan in uusan wax micno ah ku fadhinin jaceylka iyo farxadeena iyagoo doonaya in ay dhexdeena colaad shigaan farxadeenana bur-buriyaan. Gacaliye waxey wax badan igu yiraahdeen wuxuu kaaga fogaaday sida dayaxa uu uga fogaaday dhulka ee haku dan seegin doonistiisa wey cadahay in uusan ku jecleyn. Waxaan aniga u sheegaa mcne in aan kaa maarmin sida aanan cunada uga maarmin inaan ku soo haleeli karo ama ku heli karo daqiiqad walba ee aan ku soo xasuu