Skip to main content

SIDEE U OGAAN KARTAA JACEYLKA DHABTA AH ?




Xaqiiqdii waa Erayo ama tabashooyin ay qabaan asxaabta intooda badan waxey ku wareersan yihiin sidey ku ogaan lahaayeen qofka sida dhabta ah u jecel iyo kan kale.
Muhiimada ugu weyn aan kaga hadli doono waxey tahay jaceylkaaga marka uu daacad kuu yahay rerkaaga si aysan kaaga walwalin ayuu kaaga walwalayaa marwalba.
Xaqiiqdii siduu kuu xushmeeynayo aad agtiisa ugala weyn tahay ma jirto qof sidaas oo kale ugala weyn, xiriirkiisa wuu badan yahay hadaad murugo ku jirto wuu kaa farxinayaa.
Marwalbana garabkaaga ayuu taagan yahay eray walba oo afkiisa ka soo baxa ficil ahaan ayuu kuugu sameeyaa si aanan looga baran wax walba uu ku hadlayo in ay been noqdaan.
Wuxuu diyaar u yahay nafsadaada dhibaato walba oo ku timaada sida in aad xanuunsato, in aad culeesyo badan dareemeyso, in aad dhibaato ku jirto, inaad murugsan tahay.
Xiriirkiisu ama waqtiyada uu kula qaadanayo in aysan waligood is badalin haduu 10 sano ku jeclaa xitaa, marna is badal kuma baraneysid sababtoo ah si dhab ah ayuu kuu jecelyahay.
Waqtiyada aad garabka uga baahan tahay in aadan waynin ilaa iney daruufo jiraan ama dhibaatooyin haysato mooyee, in uu ku dhiiri geliyo waqtiga adag garabkaaga soo istaago.
Marwalba kuu ilaaliyo sida hanti uu leeyahay oo kaleeto, dayacana uu kaa dhowro, cidlada kuu diida, daraadiisna aad u dhoola cadeyso naftaada intaad ku kalsoon tahay ka badan.
Ninka sida dhabta ah kuu jecel waxaad ku ogaan kartaa in uu aad kuu soo waco waliba kaaga sheekeeyo waxyaabo kala duwan sida sheekooyin iska caadi ah, wax ku xiisa geliyo.
Ninka ku jecel waqtigiisa ayuu kuu huraa, sanadahaan wey yartahay qof waqtigiisoo idil si daacad ah kuu wada siinaya jaceyl uu kuu qabo darteed, wey adag tahay si lagu helo.
Gabarey wiilka aad la socoto haduusan intaas kuu sameyn karin waxba jaceylkaaga xabsi dartiis xabsi ha u galin, hana isku duleyn ruux aan dan kaa laheyn sidaad u tahay kuu aheyn.
WAA IGA TALO QALBIGA RAGA IYO DUMARKA WAA ISKU MID BLSE MIDKA DUMARKA AYAA JILCAN SHARAFTIINA WAXEY KU XIRAN TAHAY RUUXAAD JECLAANEYSAAN!!!!!

Comments