Skip to main content

FARIIMO JACEYL OO MACAAN BADAN

 




Ma ogtahay jaceylka aan kuu qabo inta uu la egyahay, waxaan kuu jeclaaday inta la jeclaado qof bini'aadam ah halka u sareysa
Waxaan kuu jeclaaday qof adiga kaa horeeyay si aanan u jeclaanin, iyo si aanan qof adiga kaa dambeeya aanan u jeclaan doonin
Waxaan kuu jeclahay, jaceyl hadii dumarka dunida ku nool loo wada qeybin lahaa dhamaantooda wada deeqi lahaa
Waxaad ii qeexday macnaha farxadu leedahay, waxaad dhadhan iigu yeeshay dhaqanka ay diinteena leedahay
Waxaad kaabtay nolol aan filayo adiga la'aantaa inay waxba ii suuroobeynin, hadii aanan adiga ku haysan
Sida aad ii bartay naxariista iyo dulqaadka, ayaan anigana kuu barayaa farxada, sida aad nafteyda xasiloonida u bartay, ayaan anigana qalbigaaga daganaanta u barayaa
Sida aad kalsoonida iigu muujisaa anigana kalgaceylka qalbiyadeena wehel uga dhigaa, sida aad laabtaada iigu haysaan, anigana kuu kool-koolinayaa
Hadii aan awood buuxda leysiin lahaa in aan qalbigaaga xukumo, waxa aan indhahaaga ka ilaalin lahaa ilmada niyad jabka ah
Waxaan qalbigaaga u badali lahaa meel aan aniga iyo adiga u wada dalxiis tagi laheyn, anigoo qalbigaga ka ilaalin lahaa in uu noqdo meel lama dagaan (Saxaro) ah
Hadii aan awood buuxdo u heli lahaa in aan noloshaada oo dhan maamulo, waxaan wajigaaga iyo afkaaga ku xakumi lahaa dhoolacadeyn iyo farxad aan dhamaad laheyn.
Sababtoo ah dhoola cadeyntu waxey noloshaada u siyaadineysaa qurux kale, hadii aad aduunyadoo idil u tahay hal qof, ogoow mcney anigaa aduunkeyga oo dhan tahay.

Comments