Skip to main content

ERAYO JACEYL OO CALAACAL IYO WAANO AH

 




IGA RAALI NOQO MA SOO LAABAN KARO 
 
Fahmid la'aanta aad i fahmi weysay ma aysan noqon kaligeed waxa ina kala fogeeyay, balse waxaan qaadan waayay is daba marintaada iyo laaca dhal-dhalaalka been abuurka ah, Kadibna ay ku tuseen dadkii aad la jaalka aheyd, wax macno ah ma sameyneyso inaan kuu calaacalo, balse dareenka aan kuu hayo sir iyo caadba isagoon qarsooneyn waan kugu tusay. 
 
Doorashadaadiina wey kaa qaloocatay, oo anigoo si dhab ah kuu jecel waliba farxad walba ku dareensiin jiray ayay iga kaa weecisay, taasina ma aysan kabin jabkii dhexdeena yaalay.
Anigu waan tagay mana soo laaban karo ma lihid awooda aad danteena ku kaabi laheyd, sababtoo ah wali dhabtii iyo dheeshii ayaa isaga kaa dhex yaacsan. 
 
Waana damacaaga u iyo hogaansanaantiisa wali waxaad jeceshahay ayaadan baran sida loo ilaashado, wanaag oo dhan korkaaga ha ahaato. 
 
Farxad ku dhameyso maalmaha dhalanteedka ah ee runta mooday anigana waqtiga iiga lumineysay, waxaan ka xumahay sidaad ii indha sarcaaday anigana kuu fahmi waayay. 
 
JECLOOW QOF AAD IS FAHMEYSAAN!!!!

Comments