Skip to main content

ERAYO JACEYL OO CALAACAL AH - BAL MAXAAD IGU NACDAY

 




Bilowgii barashadeena waxaad aheyd mid wajigiisa wanaag ka soo ifaayo oo afkiisuna aanan aqoon hadal xun iyo caro midna kuleel iyo dhibaato aanan marna lagu arkeynin. 
Waxaad nafteyda ku abuurtay rajo iyo yadidiilo aad igaga kasbatay wanaagaaga iyo waxtarkaaga, waxeynu aheyn laba Ruux oo isku beer nugul kalgacalna isku marxabeysiiy.
Qof nafteyda ku sasaba wanaag iyo samaan qalbigeygana dareensiiya jaceyl dhab ah waxaad kaloo aheyd qof nolosheyda muhiim u ahaa waliba aan ka doortay Rag dhamaantiis. 
 
Waxaad igu haasaawin jirtay sheekooyin xiisa badan i geliya oo aad iigu sawiri jirtay quruxda uu yeelanayo mustaqbalkeena iyo farxada aad isiin doontid oo neecawda ka soo horeyso ay nafteydu ku xasileyso.
Uma baahan jirin cid kale oo aan adiga aheyn waayo adigaa wehelkeyga ahaa oo iga war hayn jiray, waxaad igu waanin jirtay in aan daqiiqad walba aynu wada qaadano oo waaga ayaa noo baryi jiray sidaan u qosleyno. 
 
Gabalkuna wuxuu dhici jiray inagoon kala dhargin waxaad ii aheyd salaanka aan ku fuulo gidaar walba sidaad iigu faraxsan tahay ayaan ugu faani jiray haweena haweenka qeyrkeyga.
Sidaad nafta iila qeybsan jirtay ee ay cidna inoogu dhaxeyn ayay la wada dhacsanaayeen Asxaabteydu sidaan wax walba u wadaagno waliba sudaan isugu heelaneyn marwalbana dadka iska dhaweysan jirnay. 
 
Dib waxey dadku iiga joogsan jireen markey markaan arkaan adoo waqti walba ila jooga, jaceyl iyo kalsooni aanan xad laheyn ayaad igu habtay, waad ii dulqaadatay oo i daryeeshay.
Waxaan go'aansaday in aan kuu soo guuro oo guri iyo gogolwadaagno, filashadeydu kumey jirin in aan isa seegi doono marna ama aan is weyn doono oo kala hayaano, aad baan kuugu xiisay qalbigaa daqiiqad kasta ku raadinya. 
 
Maankeyga waligey maan gelinin ruuxaad hanatay ragoo idil ka dooratay dunidana aad ugu jeclaatay ayaad maalin baafintiisa u soo dhaqaaqi doontaa soona raadin doontaa.
Jaceylka birisamaadkii bishaarada iigu yeeray, bil kheyr baan ugu jawaabay, yarkii boga ii fadhiistay,
Yarkii beerkeyga saaqay, yarkii boga ii salaaxay, in aan u baraarugeyn, markuu ka bogtuu ogaaday,
Haduu bada iigu jiiday, inuu bohol ii qodaayay, adaa boqoroow ogaaye,
Dheesha iyo ciyaarihii markey laba dhaceen ee farxada illaahey ina siiyay iyo wixii ugu wanaagsanaa ee ahaa Ubad ee aan Gudoon kuu dhalay curadii, Shaadaaligii iyo Allaha barigii, Ducada meel kastaa wada gaartay. 
 
Waxaan tabay wax walboon haystay oo aad isiin jirtay, Duruufaha nolosha in ay ku haystaan baan kuugu dulqaadan jiray oo dhib walba waan kula qeybsan jiray, laakiin niyadeydu imeysan siinin wajigaan cusub ee damaqa iyo xanuunka u keenay nafteyda.
Markaad hubsatay in aad i heshay ee aad ogaatay in aan kuu baahanahay ayaad iga jartay wax walba, xanuunka i haya waa in aysan soo noqoneyn wixii hore, waxaad jabisay niyadii shalay kugu han weyneyd. 
 
Jawaab uma helo dadka su'aalahooda magaran karo sababta aad ii tuurtay maanta laakiin waxaan ku gaba gabeeyay in aan qalad weyn ka galay nafteyda, goortii aan adiga ku guursaday.
Ruuxii ku aaminay wuxuu abaalkiisa noqday inuu ragaaga daydayo oo aad awoodi weyso inaad hadalka deeqsiiso, xiisihii beenta ahaa iyo lug-gooyadii leef oo ha liqin maantaan hayaa natiijadeedii.
Waxaan ahay mid doontii ay saarneyd kula dagtay badweynta dabaalna aanan aqoon u laheyn cid i bad-baadisana aanan u jeedin wxaan arkaa nolosheydii oo u quuseysa sidii markabkii titanic oo kale hir wadata daad iyo duufaan aanan ciirsi laheyn.
JACEYLKA SIDA BILOWGIISA U QURUX BADAN YAHAY MAXAA DIIDAY IN UU DHAMAADKIISANA U QURUX BADNAADO!!!!!

Comments