Skip to main content

ERAYO JACEYL OO KU HABOON LAMAANAHA IS JECEL

 

 



Jeexeygii "143" waxaa jiraya hal nolol, waxaa jirta hal duni, waxaa jira hal dareen, waxaan ahay hal ruux kaas oo adiga ku jeclaaday.
Marka aad laabteyda ku jirto waxaan anuga dhankeyga ka dareemaa xasilooni aanan yareyn iyo daganaan adiga kaa helay.
Qalbigeygana waan kugu haystaa daqiiqad walba xusuustaada niyadeyda ayay ku sii faafeysaa kamana tirmi doonto.
Waa macquul in ay ku soo maraan waqtiyo badan oo kala ah qaar adag, qaar xanuun badan, qaar dhaawacyo badan, iyo qaar kale oo farxad iyo nolol ka hesho.
Mcney jaceyl hadii aad maqasho waa farxad, waa nolol qurux badan, intaas iyo in ka badana adiga ayaan kuu qabaa.
Laakiin afkeyga kaliya kaagama dhahaayo waan ku jeclahay, blse qalbigeyga ayaan kaa leeyahay si dhab ah ayaan kuu jeclahay.
Qalbigeyga wuxuu kuu muujinayaa in uu waqtiyada adag iyo waqtiyada farxada uu garabkaaga taagan yahay.
Waan ku jeclahay "Dhagaheyga waa u maqal, afkaaguna waa u oraah, ruuxdeydana waa u xasil, niyadeydana waa u neecoow,
Gacaliso sida aad muuqa sare uga qurux badan tahay ayaad qalbigana ugu qurux badan tahay nasiib waxaan ku helay qalbigaaga lagama yaabo in aan ka guuro.
Ubaxa la'aantiis deegaankaaga qurux maahan, jaceylka la'aantiis nolosha qiima malahan, aniguna adiga la'aantaada ma jiri laheyn, xusuusnoow rabitaan dhab ah inaan kuu hayo.
Markaad dhoola cadeyso dabka ka shidan gudaheyga waxa dhalaaliya adiga farxadaada sidaas darteed dunida waxaad u tahay hal qof lkn anigaa aduunkeyga tahay.

Comments