Skip to main content

Posts

Showing posts from November, 2016

ERAYO JACAYL OO MACAAN

1-Xayaati xalay dhan waan fikirayay markaas ayay Hal dhibic oo ilin ah iga soo dhacday , markaas ayaan weydiiyay oo aan iri maxaad banaanka ugu soo baxday , Dhibicdii ilinta aheyd waxa ay iigu jawaabtay waxaa jira qof aad u qurxoon oo indhahaada aad siiyay , marka aniga boos iigama banaana indhahaada . 2-Ogaaw macaan in xariirka uusan aheyn Game la ciyaarayo, ma ahan eray la iska yiraahdo, ma ahan mid bilaawda March oo dhamaanaya May , ogaaw waa beri, waa shalay , waa maanta waa mar waliba. 3-Haddii aad fariintaan tir-tirto taasi waxa ay i tusineysa in aad i jeceshahay haddii aad save gareysato waxa iyana ay ii muujineysa in aad ii baahan tahay haddii aad iska indha tirtana waxa ay ii muujineysa in aad ii xiistay .. hadaba wax aad sameyn kartid ma jirto loool . 4-Mararka qaar indhaheyga waxa ay ka maseeraan qalbigeyga , ma garaneysaa sababta maxaa yeelay mar waliba waxaad u dhawdahay qalbigeyga indhaheygana waad ka fog tahay(waan u xiisay aragtidaada.).                       

ERAYO JACAYL OO XANUUN BADAN

• Haddaad Maanta iga Tagtay Maalin Maalmaha kamid ah ayaad ii soo Laaban doontaa.    • Iga fogaaw ,igana dheeraaw waayo waad idayacday waqtigaan kugu baahnaa sida biyihii oo kale ,waan kuu haraadsanaa adigana waad I haraad goyn weysay oo waad I dayacday qalbigeyga ku xusuusan mayo Mardambe waayo Noloshayda oo dhan waad baa bi isey,Jacaylkii aan kuu qabay wuxuu isku bedelay nacayb,Aduunkaan inta joogta adiga ayaan kuu nebcahay. • Gabadhani waa Gabadha Bur burisay Nolosheyda oo dhan wax walboo nolosheyda ka mid ah iyadaan siiyay iyada way I xumeysay, iima arxamin silac iyo saxriirbay igelisay,Suax,iyo iyo galab har iyo habeen way i hooojisay ixsaan iima aysan samayn. • Waan Noolaan karaa la`aanteeda waayo waad I dhaawacday . • Waad iga fogaatay Gacalisadeydiyey ,keligeyga ayaad iga tagay ,Aniga waan kuu waalan rabaa ,Sideen u Iloobaa Jaceylka aad ku abuurtay Qalbigeyga ,Qalbigeyga habeen iyo Maalinba waa Mashquul ,Kafakar Jaceylkeena Qaaliyey ,Wallaahi Haddaan ahaan lahaa Cunu

ERAYO JACAYL OO DHIIGA DHAQAAJINAYA

EREYO JACEYL OO MACAN       • Qof walbo aan isku dayo inaan la Hadlo iyadaan Moodaa ,Ma-aqaano sababta.    • aad iyo aad ayaan kuu Jeclahay Waqti walbo adigaan kaafakaraa Dadku way ila yaabaan waqtigaan adiga kaa fakaraayo!! • Farxadeydiyey aniga waan ku Jeclahay waxaan kuu Jeclahay sida aad u Jeceshahay Nafsadaada oo kale ,iftiinkii nolosheyda ayaad tahay ,Adiga Murugteyda ah adiga, Farxadeyda, ah ,Xanaaqeyga Raali ahaanshisiisa waa adiga, Jiradeydana Adigaa Daawo u ah , waxaan u Noolahay Adiga dartaada, . • Qaaliyey Nolasha waa Qaali Da`duna waa siidii Ubixii oo kale Nolashaan ad u jeedo waa Maalmo kooban Jaceylkana waa hal mar ixasuuso Marwalbo haddaan ahay qof la Xasuusto. • aad ayan kugu xiisay marwalbo waxaan hamiyaa inaan noqdo ilin ka dhalata indhahaaga kuna noolaado Dhaforkaaga korkiisa, kuna dhinto Bishimahaaga Korkooda. • waan ku Jeclahay adigoo ii dhow waan ku Jeclahay adigoo iga fog,intaba adigaan ku jeclahay . • aad iyo aad ayaan kuu Jeclahay waa tahay Nolas

GABAY KU SAABSAN ABAARAHA

Cali Xuseen Xirsi Lixdameeyadii  iyada oo ay abaar ba’ani ayaa dadkii ka codsadeen in uu duceeyo, iyaguna ay aamiin ka dabadhahaan. Halkii ay ka sugayeen in uu Alle baryo ayaa uu iyagii u soo jeediyey dhaliil kulul. 1- Niman yohow abaaraha dhacay iyo beliyo aafaadka 2- Dabka ololi uumiga ka karay aradka guudkiisa 3- Raxmadii ilaahay waxay noogu iman weyday 4- Ee ariyo geelii marshaye ibirka noosaaray 5- Arradka iyo gaajada waxay nagu Loomeeyay 6- Geeduhu waxay u angageen ubaxana loo waayay 7- Ee ay ugaadhu u bakhtidad aydu miranaysay 8- Eelkaa wixii dhigay hadaan idin ogaysiiyo 9- Ilaahay maloo noqonayaa axadki weeyaane 10- Hadii ay islaanimo jirtoo la ijtihaadaayo 11- Asha haadda iyo tawbadii lama ilaaweeyne 12- Ilaahay maloo noqonayaa axadki weeyaane 13- Goortay ilma adeeradii uurka ka colow day 14- igaar waliba kii xigay markuu dhacay aduunkiisa 15- goortii amaanada lacunay eleh ku kuu dhiibtay 16- inkiraadi goortay timee aamin laswaayay 17- Afka buuxi mooyee markay aayar socon weyd

QISO MURUGO IYO XANUUN LEH DAD BADAN KA OOHISAY

hooyo maryan waxaa loo sheegi jiray in uu jiro nin dhaqtar caan ah oo dadka deegaanka kunool  intooda badani aysi fiican u garanayaan laguna magacaabo Dr Hishaam. maalin maalmaha kamid ah ayaa Dr ku si dag dag ah u baxay waxa uuna aaday garoonka diyaaradaha si uu ugasoo qayb galo shir heer caalami ah kaasi oo lagu soo gudoon siinayo abaal marino uu ku mutaystay heerka uu caafimaadka  ka gaaray. Dr hishaam waxa uu gaaray garoonkii waxa uuna raacay diyaarad usocotay magaalada uu rabo inuu shirka kagasoo qayb galo, mudo saacado ah markii ay diyaaradii howda ku sii jirtay ayaa waxaa rakaabkii diyaarada lagu war galiyay in ay diyaarada ku dhacaday biriqda roobka ayna laasim tahay in diyaaradu ay ku dagto garoonka ugu dhow. diyaaradii waxay soo caga dhigatay garoonkii ugu dhawaa Dr kii ayaa waxa uu tagay xarunta wargalinta garoonka waxa uuna ku yiri :- "waxaan ahay nin dr caan ah  daqiiqad kastana waxaan qaabilaa taro dad ah oo u baahan in loo sameeyo qaliimo kala duwan idinkuna

Cumar Samatar

Taariikhdii halgamaa cumar Halgamaa cumar samatar waxa uu ku dhashay dagmada caluula ee gobolka Bari  somalia sanadii 1905 halkaas oo uu kuso bar baaray wax barashadiisa asaasiga ahna uu kusoo qaatay. mudo kadib halgamagu waxa uu usoo wareegay gobolada dhexe ee somalia halkaas oo ahayd meeshi uu kabilaaby halganka gumaysi ladirika ah dagaaalkii ugu horeeyay ee dhexmara cumar iyo talyaaniga waxa uu dhacay 09/november/1925 waxaana jabwayn soo gaaray gumaystaha lagana qabsaday dagmada ceel buur iyo toolooyin hoos yimaada. 20 bidhii 11 isla sanadkii 1925 dagaal lagu hoobtay oo ka dhacay meel u dhaxaysa degaanka budh-budh iyo dagmada buula burde ayaa waxa halgamayaasha u suuro gashay in ay dagaalkaas ku dhilaan horjoogihii ciidanka gumaystaha oo lagu magacaabi jiray (lieutenant colonel splendorelli), inkastoo halganku socday mudo 6 bilood ah hadana dagaaladaas isdaba jooga ahaa waxaa gumaystaha kasoo gaaray jab aad u xun waxaan gacantiisa ka baxay dhulal badan oo uu gumaysanaa