Skip to main content

Cumar Samatar

Taariikhdii halgamaa cumar


Halgamaa cumar samatar waxa uu ku dhashay dagmada caluula ee gobolka Bari  somalia sanadii 1905 halkaas oo uu kuso bar baaray wax barashadiisa asaasiga ahna uu kusoo qaatay.

mudo kadib halgamagu waxa uu usoo wareegay gobolada dhexe ee somalia halkaas oo ahayd meeshi uu kabilaaby halganka gumaysi ladirika ah dagaaalkii ugu horeeyay ee dhexmara cumar iyo talyaaniga waxa uu dhacay 09/november/1925 waxaana jabwayn soo gaaray gumaystaha lagana qabsaday dagmada ceel buur iyo toolooyin hoos yimaada.

20 bidhii 11 isla sanadkii 1925 dagaal lagu hoobtay oo ka dhacay meel u dhaxaysa degaanka budh-budh iyo dagmada buula burde ayaa waxa halgamayaasha u suuro gashay in ay dagaalkaas ku dhilaan horjoogihii ciidanka gumaystaha oo lagu magacaabi jiray (lieutenant colonel splendorelli), inkastoo halganku socday mudo 6 bilood ah hadana dagaaladaas isdaba jooga ahaa waxaa gumaystaha kasoo gaaray jab aad u xun waxaan gacantiisa ka baxay dhulal badan oo uu gumaysanaayay. mudo kadib talyaanigu waxa uu ku guulaystay in uu kataqaluso ciidanki uu halgamaa cumar hogaaminayay, halgamaaguna wa uu u baxsaday wadanka Ethiopia oo dagaal kula jirtay talyaaniga.

inkastoo aaysan dadka somaliyeed wax badan kalasocon taariikhda halgamaaga hadana goobaha taariikhiga ah ee halgamaaga loogu magacdaray waxaa ka mid ah iskuulka weyn ee magaalada Galkayo cumar samatar secondary school (CSSS)

 Xiriika halgamaga iyo Ethiopia

xiriirka wada mideeyay cumar iyo Ethiopia waxa uu ahaa in ay lawada dagaalamayeen gumaystihii talyaaniga waana arinta keentay in halgamaagu uu taageero saanadee ka helo boqortooydii xiligaas itoobiya katalinaysay, sido murkii uu soo dhaaday halganku waxaa halgamaaga loogu magacdaray jaamacado kuyaala Ethiopia iyo meelo kale oo halbowle u ah bulshada.

Comments