Skip to main content

QISO MURUGO IYO XANUUN LEH DAD BADAN KA OOHISAY


hooyo maryan waxaa loo sheegi jiray in uu jiro nin dhaqtar caan ah oo dadka deegaanka kunool  intooda badani aysi fiican u garanayaan laguna magacaabo Dr Hishaam.

maalin maalmaha kamid ah ayaa Dr ku si dag dag ah u baxay waxa uuna aaday garoonka diyaaradaha si uu ugasoo qayb galo shir heer caalami ah kaasi oo lagu soo gudoon siinayo abaal marino uu ku mutaystay heerka uu caafimaadka  ka gaaray.

Dr hishaam waxa uu gaaray garoonkii waxa uuna raacay diyaarad usocotay magaalada uu rabo inuu shirka kagasoo qayb galo, mudo saacado ah markii ay diyaaradii howda ku sii jirtay ayaa waxaa rakaabkii diyaarada lagu war galiyay in ay diyaarada ku dhacaday biriqda roobka ayna laasim tahay in diyaaradu ay ku dagto garoonka ugu dhow.

diyaaradii waxay soo caga dhigatay garoonkii ugu dhawaa Dr kii ayaa waxa uu tagay xarunta wargalinta garoonka waxa uuna ku yiri :-
"waxaan ahay nin dr caan ah  daqiiqad kastana waxaan qaabilaa taro dad ah oo u baahan in loo sameeyo qaliimo kala duwan idinkuna waxaad iga doonaysaan in aan halkaan sii joogo 16 saac si aan u helo diyaarad kale".
shaqaalihii ayaa ugu jawaabay :- "sayidkaygiyow hadii aad dag dag san tahay waxaad kiraysan kartaa gaari meesha aad u socoto iyo halkaan waxa loo kala socdaa  mudo sadax saac ah".

Dr hishaam raali ayuu kunoqday arintaas waxa uuna qaatay gaari wax badan hadii uu sii socday si kadis ah ayaa halmar jawigii isu badalay waxana hilowday roob mahiigaan ah oo aad u culus,
Dr-kii wax badan wuu kala ari waayay waxaa ayna kaliftay inuu wadadii kalumo, laba saac kadib ayuu ogaaday in uu wadadii kalumay daal badana waa uu dareemay.
hortiisa waxa uu ku arkay guri yar agtiisa ayuu istaagay waxa uu bilaabay in uu ilabaabka guri
gar-garaaco, waxa uu maqlay cod islaan duq ah ayku leedahay "soo gal qofkasta oo aad tahay ilabaabku waa uu kuu furan yahay", drkii waxa uu galay albaabkii islaantii oo meel aan ilbaabka sidaas ugasii fogan fadhida ayuu ka codsaday  inay ku caawiso taleefoon.

islaantii ayaa inta ay qososhay ku tiri :- " taleefoonkee wiil kaygiyow miyaadan arkayn meesha aad joogto halkani taleefoono iyo koronto midna malhan lkn soo dhawoow oo xogaa naso halkaasna cunto yar ayaa taal ee cun eedo "
Dr hishaam waxa uu u mahad celiyay islaantii waxa uuna bilaabay inuu cunadii yarayd cuno balse islaantu waxa ahayd mid tukanaysa oo ilaah Subxaanhu Watacaalaa baryaysa, drku waxa uu si kadis ah u arkay wiil yar oo islaanta siiri agteeda ah jiifay  oo aan wax dhaqaaq ah samaynayn ayna babinayso labo salaadood oo kasta dhexdood.

islaantii waxa ay ku dheeraatay saladii iyo ducadii, Dr hishaam ayaa xageeda usoo jeensaday oo kuyiri :- " ilaah baan ku dhaartaye waan kaqajilay marti soorkaagii quruxda badnaa ilaahayna waxa uu mudan yahay in uu ducadaad ajiibo "
islaamtii ayaa ugu jawaabtay oo ku tiri :- " wiilkaygiyow  adigu musaafir yaad tahay ilaahay hakuu sahlo safarkaaga balse ducooyinkaygan aad arkayso ilaahay Subxaanahu Watacaalaa dhamaatood waa iga ajiibay hal duco maahane "
Dr hishaam ayaa ku yiri :- " eedo ducadaas aan wali lagu aqbalin maxay tahay "
islaantii ayaa ku tiri :- " wiilkan yar ee agtayda jiifa ayeeyo ayaan u ahay aabihii iyo hooyadii waydhinteen waxaana ku dhacay xanuun ay dhaqaatiir badan oo aan u geeyay waxba ka qaban waayeen waxaase la ii sheegay in uu jiro nin dhaqtar caan ah oo ku takhasusay qaliimda awoodana  in uu wax ka qabto xanuunka wiilkan ku dhacay waxaana lagu magacaaba dhaqtarkaas hishaam laakiin waxa uu ku nool yahay drku meel aad nooga fog awoodna uma lihi in aan halkaas ugu geeyo sidaas darteed yaan Allah u bar yayaa in uu muraadkaygaas ii sahlo"

Dr-kii ayaa inta uu ilmeeyay waxa uu kuyiri islaantii " ilaahay baan ku dhaartaye ducadaadii waxay sabab u noqotay in diyaaradii aan  lasocday biriq waxyeelayso jawiguna waxa uu noqday mid rooban si aan idiinku imaado, Allaan ku dhaartaye ma aanan yaqiisan in Allah SW uu asbaabta sidaas ugu fududeeyo adoomadiisa iimaanka laga helay ilaa aan indhahayga ku arkay"

                                                                DHAMAAAD

W/Q : Cilmi siciid 

FG: Qoraalka dib waad u daabici kartaa hadii aadan waxaba ka badalin mahadsanid.

Halkan kadaawo qisada oo muuqaal ah








Comments