Skip to main content

GABAY KU SAABSAN ABAARAHA


Cali Xuseen Xirsi Lixdameeyadii iyada oo ay abaar
ba’ani ayaa dadkii ka codsadeen in uu
duceeyo, iyaguna ay aamiin ka
dabadhahaan. Halkii ay ka sugayeen
in uu Alle baryo ayaa uu iyagii u soo
jeediyey dhaliil kulul.

1- Niman yohow abaaraha dhacay iyo beliyo aafaadka
2- Dabka ololi uumiga ka karay aradka guudkiisa
3- Raxmadii ilaahay waxay noogu iman weyday
4- Ee ariyo geelii marshaye ibirka noosaaray
5- Arradka iyo gaajada waxay nagu Loomeeyay
6- Geeduhu waxay u angageen ubaxana loo waayay
7- Ee ay ugaadhu u bakhtidad aydu miranaysay
8- Eelkaa wixii dhigay hadaan idin ogaysiiyo
9- Ilaahay maloo noqonayaa axadki weeyaane
10- Hadii ay islaanimo jirtoo la ijtihaadaayo
11- Asha haadda iyo tawbadii lama ilaaweeyne
12- Ilaahay maloo noqonayaa axadki weeyaane
13- Goortay ilma adeeradii uurka ka colow day
14- igaar waliba kii xigay markuu dhacay aduunkiisa
15- goortii amaanada lacunay eleh ku kuu dhiibtay
16- inkiraadi goortay timee aamin laswaayay
17- Afka buuxi mooyee markay aayar socon weyday
18- inaysamadu naga oodantaa waa abaal marine
19- ilaahay maloo noqonayaa axadki weeyaane
20- Al lalaasku goortuu ka karay or iyo duulaanku
21- Nimaan ayna kaa dhicin markii udubka loosaaray
22- Oo faha markay kala heleen kaalka la afeeyay
23- Goortay asayda u xireen ooriduu mehershay
24- aamadu markay ooyayeen loo arxami waayay
25- markii abayaal lagu dilee gaban agoomoobay
26- inay samadu naga oodan taa waa abaal marine
27- ilaahay maloo noqonayaa axadki weeyaane
28- axdi nimaad lahay deen markuu oofin kari waayay
29- aayadaha diinta ah markii iida (E) lagadoortay
30- isim kii ilaahay markii la istixayn waayay
31- inay samadu naga oodantaa waa abaal marine
32- ilaahay maloo noqo nayaa axadki weeyaane.
33-Akalkaad cuneyseen markii loo
abtirin waayey
34-Inay samadu naga oodantaa waa
abaalmarin e
35-Ilaahay maloo noqonayaa Axadkii weeyaan e
36-Aakhiro illowdiyo jannada
aqalladeediiye
37-Addimaadda goortuu wadaad idin ogeysiiyo
38-Aadaanka oo yeeray baad orod ku dhaaftaan e
39-Eygii hadduu idin duwadey Aadan ba habowshey
40-Oo uu Iblays idin ku mudey shalay iraabkiisa
41-Inay samadu naga oodantaa waa
abaalmarin e
42-Ilaahay maloo noqonayaa Axadkii weeyaan e

xigasho: qoraa axmed farax "idaajaa"

W/Q : Cilmi siciid     
FG: marlabaad waad daabici kartaa hadii aadan qoraalka waxba kabadalin 



 

Comments