Waan
nabad qabay, ka hor Aragii, Barashadii iyo la kulankaagii maalmihii
wacnaa ee na soo dhaafay, waxaan ahaa wiil gabi ahaanba ka maran
haasaawe haween.
Caadeysi,
Calaacal, U jajabnaan jaceylka gebi ahaantii, waadse badashay,
bur-burisay, ood meesha ka saartay gebi ahaan fikir iyo cadaadyadii
waxaad ii noqotay isha aan aan farxo, igana murugsiin kartaa.
Waxaad
iga dhigtay baahane aragaaga u baahan, sekin iyo saacad kasta waxaad
sabab u noqotay noloshaada aan nowday bukaan daawo, dabiib iyo daganaan
hadalkaaga kaliya ugu filan yahay.
Waxaad
ii yeeshay boqolaan balwadood oo Araga, Maqalka, Baahida, Xiisaha,
Maqalka, iyo Boholyowgaagu ka mid yihiin, waxaan arkay awood iyo itaal
kasta oo aan dunidaan ku joogay in uu jaceylkaagu waxba kama jiraan ka
dhigay.
Marna
waxaan ilaaweyn in si kasta oo xeerarka nolosheydu u arkayeen inaad
aheyd qofka kaliya ee aanan iska xadeyn karin xeerka iyo
sharciyadeyduna qaban karin.
Waxaad
noqotay sidii madaxweyne kali talis ah oo bulshadiisa ka fogeeyay
dhamaan mucaaradkiisa iyo cid walba oo wax u qaban laheyd isagoon waxba u
qabaneynin bulshada kursigiisana ilaashanaya.
Waxaad
adigoo isticmaalaya awoodaada jaceyl agteyda ka fogeysay dhamaan
dumarka xitaa mid kamid ah ka heli lahaa waxaanan adiga kaa helin
adigoonan marna ila sii joogeynin agteydana ahaaneynin.
Waxaad
ii damaqday sidii dhaqtar u dhayay boog bukaan si naxariis daro ah,
hadana aan wax aqoon iyo xirfad u laheyn tolida boogaha oo magac dhaqtar
uun wata.
Waxaad
igu damaqdaa ood igu xanuujisaa waliba dhaawac iyo dhibaato iigu
keentaa isla hadalkii aad igu daweyn jirtay bilowgii barashada iyo
jaceylkii mala awaalka ahaa.
Sow
cajiib maahan in aan shuruud la'aan kugu qaabilo xili kasto oo arxan
daro iiga tagto, hadana ii soo laabato ood ii soo xiisto in aan niyad
samaan kugu qaabilo.
Sow doqonimo maaheyn inaanan ogeyn in aad u soo xiistay si aad dhaawaceyga (Milix) cusbo u sii mariso in ka badan daweynteyda.
Si
kasta oo aan u raadiyay farxada iyo dabaal daga iyo niyad samaantaada
waxaad ii noqotay murugii badashay fatxadeyda, dhaawaca bogaheyga ku
raaxeystaha rafaadkeyga.
Waxaan
markasta ka qoomameeyaa fursad kasta oo howlaheyga u soo dayacay si aan
adiga waqti iyo farxad kuu dareensiiyo blse waxaab ogaaday in aanan
muhiim kuu aheyn.
Waxaan
meel gaara ku qoray balan kasta ood ii qaaday qeyrkry dartoodna u
bur-burisay, waxaan marna ilaawi doonin ilin kasta oon dartaa u ilmeeyay
dhalanteedna dhankaaga ka aheyd ileen bee baad ila jileysay
Comments
Post a Comment