Skip to main content

erayo macaan oo jacayl ku saabsan




Qalbiga wuu ilmeeyaa markey naftaada kuu run sheegto, laakiin aadan awoodin inaad xaqiiqada abaarto
Qalbiga wuu ilmeeyaa markuu qof kaaga  hormaro waxaad jecleyd inaad sameysato laakiin adiga aadan isku dayin
Qalbiga wuu ilmeeyaa markaad awoodi weyso inaad iska dhiciso kuwa dulmiga kula soo doonto dabadeed aamusnaan ugu jawaabto
Qalbiga wuu ilmeeyaa markaad qaadato go'aan qaldan, misana go'aanlaas qaldan dartiisa waxkasta kaaga halaabaan
Qalbiga wuxuu ilmeeyaa markuu ku qiyaano ruuxaad u dhowri jirtay sidii curadkaaga oo kale
Qalbiga wuu ilmeeyaa markey ilmada ka dhamaato indhahaaga dhibaatada weyn ee haysato darteeda
Qalbiga wuxuu ilmeeyaa markaad daba carareyso qof aanan dan kaa laheyn misana waqyigaaga ku lumineyso
Qalbiga wuu ilmeeyaa markuu waayo ruux uu si dhaba u jeclaa misana uu hubo qofkaas inuusan waligiisa dambe soo laaban doonin
Qalbiga wuu ilmeeyaa markastood raali gelin ka bixineyso qaladaad aadan adiga galin misna qofkii galay wuu isla saxan yahay


Nafteyda markey is badashay oo fikir iyo isla hadal bilaabay :-
Hooyadey waxey igu tiri "waxaa ku ileystay kuwa ka xun heerka aad ka gaadhay nolosha
Dhaqtarkii la ii geeyay wuxuu yiri "Waxaa ku haya isla hadal waxaadna u baahan tahay dhaqtar cilmi nafsi ah"
Macalinka dugsiga qu'aankuna wuxuu yiri "Waxaa ku soo weeraray jin iyo shayaadiin waxaadna u baahan tahay qur'aan saar"
Laakiin dhamaabtood mid i wareystay kuma jirin, waxaan tabanayo, waxbana igama weydiinin, aniga uun baa is og inuu jaceyl i hayo una xiisay naftaada suldaamadeydaay

Ma jiro xidhiidh kaga wanaagsan inaad wanaajiso ilaa midka Alle weyne la leedahay mooyee
Qof dhab kuu jecel kaama tagayo, qofka kaa tagana maahan qofkii ku jeclaa, qofkii dib u soo laabtana maahan qofkaagii saxda ahaa
Ma jiro qof kaaga dhow midka runta kuu sheega, midka ku yiraahda waxaan waa sax waxaan waa qalad ayaa mudan in talooyin  laga qaato
Dadka oo dhan wey wanaagsan yihiin bilowga hore, wajigooda dhabta ah waxaa la bartaa xiliyada dhexe sidey isku badalayaan
Ma ogtahay in ay ragga yihiin noolaha ugu jilicsan qalbi ahaan dunida oo ay ka qalbi jilicsan yihiin dumarka %90
Waxkasta bilow ayay leeyihiin dhamaadna wey leeyihiin blse jaceylka dhabta ah bilow maahee waligiis dhamaad ma yeesho
Qofka dhabta kuu jecel been kuuma sheego qofkii been kuu sheegana maahan qofkii dhab kuu jeclaa
Maanta waa waqtiga ugu wanaagsan ee dib loo bilaabi karo nolol burburtay in dib loo dhiso wixii horee ku soo marayna iska ilowdo
Naftaada karaamee oo raali gelin buuxda sii qofkaad qalad ka gashay haba yaraadee waa inaad raali gelisaa, qaladka lagaa galayna raali gelintiisa aqbal
Xidhiidh la wanaajiyo waxaa ugu qiima badan midka aad Alle weyne la leedahay ee kaas ku dadaal walaal

Comments