Skip to main content

Erayo Jaceyl oo macaan badan

 




 

 Jaceylkaan kuu qabo marna isma dhimayo si kasto ay waayuhu isku badalaan ogoow inaad ahaan doonto indhaheyga nuurkooda
Agtaada waxaan ka helay farxad, xushmad, naxariis, iyo kalsooni aan xad laheyn, kaliya ii balan qaad inaadan iga fogaaneyn
Waxaan ku siiyay qalbi aan u diiday dumar  oo dhan sababtoo ah qalbigeyga wuxuu soo ogaaday inaad adiga tahay ruuxa u qalma
Waxaad i siisay waxkasta aan u baahnaa sidoo kale waxaad garab u noqotay nafteyda anigana waxaan jecleystaa inaan markasta garabkaaga ahaado❣️
Runtii gacaliso waxkastoo macaan ayaan dhadhamiyay blse maanan arag shey adiga kaa macaan badan
Indhaha waxaad u tahay nuur, qalbiguna waxaad u tahay dawo, noloshana waxaad u tahay wehel
Ma rabo nolol qabyo ah blse waxaan rabaa nolol dhameystiran waliba farxad badan adiga kula qaato intaan wada noolnahay
Waxaan ahay qofka kaliya ee markasta online ah aan hadana qof adiga aheyn marna la sheekeysan
Allow yaa kuu sheega mararka qaarkood xiisaha aan kuu qabo inaan kaligey meel cidla fadhiisto kaliya si aan u xasuusto maalmihii quruxda badnaa
Markaan adiga kula sheekeysanayo ayaan dareemaa farxad aan xad laheyn markaad ii soo dhawaatana waxaan dareemaa inaan haysto dhaqtarkii nolosheyda
Adigu waxaad tahay buug misna aan rabo inaan aniga noqdo qoraagiisa kuna qoro taariiq kastood leedahay
Billions jeer ayaan ku leeyahay iga raali noqo, sababtoo ah asiga waxaad tahay qofka ugu wanaagsan ee daqiiqad kasta ka fikiro
Waxaan kuu balan qaadi karaa hal shey oo kaliya kaa soo ah inuusan qalbigeyga adiga kaa quusan doonin
Uma baahni cid kale si ay ii daryeesho kaliya codkaaga macaan ayaa igu filan waxaad tahay ruuxa aan dhibteyda u sheegto farxadeyda la wadaago si naxariis badana ii dabiibta


Iska ilaali inaad gadaal ugu noqoto jaceyl aad guuldaro kala soo kulantay sababtoo ah sharaftaada iyo qiimahaagii ayaa ku lumaya ha fiirin gadaal hortaada u soco
Iska ilaali inaad fursad labaad siiso ruux ku qiyaamay adoo u baahan kaa dhaqaaqay ileen horaa loo yiri "Mar i dage Allaha dago, mar labaad i dage anaa is dagay"
Iska ilaali inaad waqtigaga qiimaha badan aad ku lumiso ruux aan wax jaceyl kuu qabin misna sidaad u soo xidhiidhineyso waqtina ku soo xasuusaneyn
Iska ilaali imaad murugo ku abuurto qalbi aad waqtiyo badan farxad ku abuuri jirtay hana dhaawicin qof si dhab ah kuu jeclaaday adigoo danahaaga fiirsanaya
Iska ilaali inaad ku balan furto qof aad balamo ka qaaday, adigoon cudur daar dhaba u haynin balan furkaas ama aysan daruuri aheyn
Iska ilaali inaad muran iyo dood kala hor tagto ruux kalmad kheyr leh kuu sheegay misna kugu yiri illaahey ka cabso xumaanta iska daa
Iska ilaali inaad horay ka aqbasho ruux horay kuu qiyaanay isagoo ilin iska keenaya si aad markale u aaminto dumar qaar baa ku fashilma arimahaas
Iska ilaali iney salaada ku dhaafto adigoo soo jeeda hurdadu waa cudur daarashada dhabta ah blse salaad waqtigeeda soo jeed kugu soo galay cudur daarasho malahan
Iska ilaali inaad rajadiisa burburiso qof kuu arkayay inaad tahay aduunkiisoo dhan dartaa waxkasta u sameyn jiray si aad daqiiqad kasta u dhoola cadeyso

Comments