Skip to main content

Erayo Jaceyl oo dareen leh





 

inta badan qofka erayada loo sheego waxaa ka awood badan waxa uu si dhab ah waayaha ugala kulmo ama daruufuhu noloshu baraan
Marar badan waxaanu maqalnaa iyadoo nala leeyahay "Inaad kuftaa ceeb maahan laakiin inaad kici weyso ayaa ceeb ah" hadalkan aniguba waan dhayalsan jiray
Laakiin waxey noloshu i bartay in waqti kasta oo ku dhaafa iyo hami kastaa oo kuu hirgeli waaya aanu aheyn noloshaada qasaaro soo gaadhay
Waxaa dhab ah isla waqtiga aad taagan tahay hadaad go'aan gaadho aad dadaal la timaado inaad gaadhi doonto guushaad dooneysay ama aad dhaafi doonto darajadii aad markii hore aad hiigsaneysay iyo mid ka sareysaba

Noloshuna waxaa ugu muhiimsan in aad aaminto in aad adigu qabsan karto ama gaadhi karto wax kasta oo aad ku hamiso isla markaasna suuragal ah
Waxaa xaqiiqo ah dadka waxey ku caawin karaan mudo kooban, biloow waxa ugu fudud ee aad qaban karto dabadeedna joogtee
Waxaad arki doontaa maalin uun adigoo kamira dhaliyay howl markii hore buur kula aheyd laakiin dadaal dheer dabadeed ku guuleysatay

Ogoowna waxa aad dooneyso ee aad weysaa aad hadana weysay uu shar kuu ahaa laakiin illaah uu kuugu badali doono wax wanaagsan maalintaas ayay farxad kuu bilaaban doontaa
Waxa aan sidaa kuu leeyahay malaha tiro ilaa dhowr jeer ayaan laba ilaa sadex sano ku lumiyay waxaan baadi goob mudooyin badan ugu jiray markii dambana waayay
Dabadeed intey ii hirgali waayeen anigana aan jiho hale uga wareegay dabadeed ka lib helay anigoo ugu dambeyn guusheydii gaadhay kuna faraxsan in badan

 Marka uu jaceylka dhabta ah qalbigaaga ka dareento waxaad ka soo baxeysaa ama iska iloobeysaa noloshii qiyaaliga iyo dhalanteedka aheyd masuuliyad baa ku fuuleysa
Laxejeclo baaxad weyna waad yeelan doontaa qofka aad ku qanacday inaad qalbigaaga hoy uga dhigto noloshana la qeybsato waxaad ka dhowreysaa dhibta, ciyaarta, iyo waxkastoo hagardaamo u geysan kara
Dhagahaagu dhawaaqiisa ayay markasta ku qaboobayaan diyaarna uma ahan iney hadalo kale maqlaan amaantiisa iyo hadalkiisa mooyaane
Indhahaagu aragiisa ayay u boholyoobayaan qalbigaagu iyo wadnahaaguna jaceylkiisa ayay ku nafisayaan daganaan iyo xasilooni ku dareemayaan


Sidii aad is hanateen ayaad dadka markastaba  ugu bishareyneysaa kolkad qof uga warantaba ww-wer baad dareentaa, adigoo niyadaada iska dhahaya amey fashilantaa arintasi ayaad is tirahdaa
Markaas buu qalbiga caashaqa la darooray fariin kuu soo diraa kuna yiraahdaa "Cid aan adiga aheyn ma hanan doonto insha allah" markaas baad sheydaanka iska naartaa


Waad la hadashaa hadh iyo habeen xaaladada dhabta ayaad la wadaagtaa markuu jaceylku xadka dhaafana mararka qaar isaga oo aanan  kula soo hadlin ayuu haatuf kula hadlaa
Si mucjisa ahna wey u dhacaan wixii aad niyada ku sii qabatay markaan sidaa leeyahay xiliyada dambe isku qalbi iyo isku niyad ayaa la noqdaa si kale kuma garatide dareen baa lagu wada socdaa


Halkan kuma soo koobi karo xaaladaha iyo astaamaha uu leeyahay jaceylka dhabta ah ee rajada wata, lkn waxaan talo ahaan kuu soo jeedinayaa in qof kasta qofka uu jecel yahay uu ixtiraamo
Ogaadana halka uu qalbigiisa ka taagan yahay iyo waxa uu kaa mudan qofka sida dhabta ah kuu jecel adne u jeceshahay Alle qof kastoo qof kale si dhsb ah u jecel nolol ha isugu daro

Comments