Gacaliso markii aan is guursano howlaha aad qabaneyso ogoow in aan kula qaban doono, markaad xanuunsato madaxaan kuu riix-riixi doonaa jirkoo idil kuu masaajeyn
Xabiibtii waan hubaa in aad noqon doonto naxariisteyda marwalba laabteeda nasiino ka dareemi doontaa, waxaan kaa dhigan doonaa ๐๐ฎ๐ฏ๐ฒ, ๐๐ผ๐ผ๐๐ผ, ๐ช๐ฎ๐น๐ฎ๐ฎ๐น, ๐ถ๐๐ผ ๐ซ๐ฎ๐ฎ๐ ๐ถ ๐ท๐ฒ๐ฐ๐ฒ๐น
Markaad uur ii yeelatana garabkaaga ayaan soo istaagi doonaa ku daryeeli doonaa, ku xanaaneyn doonaa, kumana dayaci doonee nasiinada ugu badan baad iga heli doonta
Waxaan ku dadaali doonaa inaan dhabta kugu haysto laabteydana ku geliyo anigoo Erayba Erayga ka sii macaan kuugu dhawaaqi doono si uu qalbigaaga xasilooni u helo
Marwalboon shaqada ka imaado waxaan kuu keeni doonaa hadiyado aad ku faraxdo waxaan ku gudoonsiin doonaa ubaxyada kuwooda ugu carafta badan iyo fiyooraha
Waxaan hubaa agteyda in aadan caajis ka dareemi doonin iyo waxyar oo dhibaato ah inkastoo bini'aadam ahay hadana qalbigaaga wixii dhaawacayo inaan kaa ilaaliyo rabaa
Caruurta uu illaah na siiyana waxaan bari doonaa jaceylka iyo qiimaha uu leeyahay kuna bar-baarin doonaa hadii uusan rabi nasiinina qadarta rabi waan kuwada sabri doonaa
Waxaan kuwada noolaan doonaa nolol aan anaga raali isaga nahay isma dhibsan doonee waan isku soo hiloobi doonaa, mcney isma nici doonee waan isa sii jeclaan doonaa
Gurigeena kama dhigi doono sida guryaha sabab la'aanta u bur-buree waanu ilaalin doonaa waxaana ka dhigan doonaa qasri ay boqor iyo boqorad kalgaceyl ku dhisteen
Gacaliso nolosha waxey qiimo leedahay markaan wadajir kuwada noolaanee laabteyda kamaba baxdeene hoy baan kaaga dhigi lahaa naxariistii dunidaa tahee kugu faani lahaa
Comments
Post a Comment