Skip to main content

Fariimo jacayl oo qalbiga taabanaya




FARIIMO JACAYL AH  OO LAGU SALEEYAY DHACDOONYINKA DHABTA AH EE DHEX MARA DHALIN YARADU MARKA AY HAASAAWAHA KU JIRAAN 

Jacaylku ma ahan wax ku cusub aduunka mana ahan wax lal yaabo  waana shay qaali ah waxaana u malaynayaa dadka waxaa ugu nasiib badan qofkii la jeclaado

Fariimo jacayl oo calaacal ah

Wllo mcn maxaa dhacay ma miyirkaa lagaa maray , ma ilowday wacadkii , maxaadse beenta intaas leeg igu sheegaysay oo aad u dayacday jacaylkii inoo dhexeeyay.

Mcn maxaad uga dhigtay ubixii aynu mudada dheer  kusoo rafaadnay barbaarintiisa mid aan sal iyo baartoona lahayn. !!!!

ogow maalmaha aduunyada
ninba waa markiisee
hadaad maantay goysana
markaygaan kusugayaa

Hadii aad i xumaysay waxba kama qabo ilaahay ayaan talo saaranayaa lakiinse waxaad ogaataa inaan ku jaclahay waqti kasta oo aan kusoo xasuustona cidloyaan dareemaa  markasaan kaligay iska ooyaa  …

Walaal waa aduun xaalkii waxaana horay loo yiri (samra sadkiisa waa helaa ) hada wixii ka danbeeya waa anigiyo ayaankey adigiyo dadaalkaa  balse ogow in aadan wanaag samaynin oo mar ay ahaataba lagaa gudi doono danbiga aad iga gashay waxaana sugayaa  waqtigeeda . waayaha aduunyadu wax kastay kubarayaan , walbahaar iyo wareer waa astaanta u gaarka ah , balse waxaa ka badbaadey samir ruuxi yeeshoo  u  dulqaata wax kasta oo soo wajaha , waana xaal aduuny oo mar uu buu ka baxayaa .

 

fariimo jacayl oo daadis ah

wiil ayaa gabar warqad  jacayl ah u soo qortay oo yiri :                                                                      katimid : qalbi wax jacayl
kusocota : qalbi la jecel yahay                                                        

xaashidaan waxaa qoray
nin la xaday xiskiisoo
xubbi aad u qara weyn                                          
xubnihiisa uu galay
xagga ay ku socotana
waa gabar xishoodkiyo
xushmadaba taqaanoo
xaashay la jecel yahay

marka hore  iga gudoon salaan la isu diro tan ugu  qiimo iyo qaayo badanoo kaaga soo go’day qalbi furan, niyad faraxsan iyo naf kuu ooman intaas kadib :
beeka iyo wadnaha
bogaad iiga taalaa
waa kuu bukaayoo
waxaan baadi goobaa
bidhaantaada wacanee
indhuhu ay la ooyaan…

ugu damayntii u jeed kaygu waxa uu yahay  walaal waxaan ahay qof si daacad ah kuu jecel  waxaana doonayaa in aad wax la qabato  .

jawaabtii gabadha

katimid : qalba ay naxariistii waa hore ka guutay
ku socota : qalbi waali iyo wareer u dhexeeya

xaashidaan waxaa qortay
gabar uu xishoodkiyo
xididkii naxariista
gebi laga xayuubshoo
aan xiiso kuu hayn

xaga ay ku socotana
waa wiil xujooboo
xidigaha is mariyay

idhagayso wiilyohow  oo si fiican hadal kaygu hakuu galo

waayaha aduunyada  subaxdii soo  guduutaba wax cusub baa la arkaa , saakay  ma waSxaad iila timid waan ku jecelahay , waan kuu dhimanayaa , la’aantaa manoolaan karo iyo wax aan lagaranayn ,   ruuxyohow hadii  aad qarweyso waa ku kaligaa , hadiise aad waalan tahay  quraan uun baa kuu dawo ah .

hadii aad wanaag doonayso ha iila iman irimahaas qafiifka ah oo waalida aan waxba dhaamin , waayo waa arin aan ku haboonayn dhegaha qof damiir leh oo wax garad ah  .

Fariin jacayl oo codsi ah

naftu waxay ku nagaataa halkey naawilayso , kuma noolaan karto meel aan naxriisi u oolayn  ,

nacab iyo jacay
niyadaba u kala roon                            
nabar aan filayn baa
nafta iiga beedhoo
naxli kama shaqaynine
aan wadaagno caashaqa

waxaan ahay ruux kuu ooman waxaana la liitaa jacayl aan kuu qabo waxaana dareemi kartaa heerka uu gaarsiisan yahay  ,  runtii uma malaynayo jacaylka aan kuu qabo in aan yahay mid qof bini aadam ah lagu daawan karo  waayo  bartamaha habeenkii kama bogto hurdada oo boga iyo wadnaha beerkaad buul ku leedahay , biyaha aan cabaayiyo baadka aan cunaayona bilaahan ku dhaartay bidhaantaadaa iiga roon .

sidaa daraadeed walaal waxaan kaa codsanayaa in aad I fahanto oo culayka isran ee aan kaliga ku ahay iga qafiifiso ,  ogow in aad tahay qof noloshayda ku dhex beeran  oo marna aad kaa maarnin .

Comments