Skip to main content

ERAYO JACEYL AH OO AY ISU DIRI KARAAN LAMAANAHA IS JECEL

 



Subixii ma ubaahni inaan saacadeyda ku xirto alarm si aan u kaco, maxaa yeelay waxaad ku dhex nooshahay wadnaheyga gudihiisa waaga markuu baryo waxaad u toostaa inaaad quraac noo sameyso markaad wadnaheyga ka soo dhex toosto ayaan aniguna toosaa taasi ayaa alarm ii ah.

Teleefanka aan message-ka kaaga soo diro xili walbo wuxuu u baahanyahay inaan magacaga ku qoro oo aan kuusoo diro, sida dhulka ugu baahanyahay roob teleefoonkana ugu baahanyahay jaajar ayuu jaceylkeenana ugu baahanyahay waraabin joogto ah.

Waxaa inoo dhaxeeyo badweyn, buuro, iyo bari aad u dheer, anigu maahi dabeyl lakin hal sikin isii waxaan kuusoo dirayaa jaceylkeyga, oo aan soo gooynayaa inta dhul ee noo dhaxeyso, waanba kuusoo diray maheshay xabiibi. Roobku markuu da”ayo macquul maahan inaad aragto qoraxda, balse xasuusnoow waa halkeedii oo kama maqno, anigana
waxaan filayaa anagoo kala fog indhaha aaysan isqaban Karin, hadana weli inaan halkeenii nahay.
Marna ma arki kartid sida aan kuugu xiisay,

marna ma ogaan kartid sida aan kaaga
taxadaro, marna madareemi kartid sidaan kuu jeclahay, waxyaabahaas dhan si aad u ogaato wadnaheyga ayey ku dhexjiraan makuu dilaaciyaa si aad u ogaato wax walbo.
Hadii aan ku dhaho waan fiicanahay beri waxaa dhici karto inaan ku dhaho mafiicni hadii aan kulano waxaa ku xigto inaan hadane kala tagno, lakin waxaa mar waliba aan ku dhihi karaa waan kuuxiisay, maxaa
yeelay si joogto ah aan is badal laheyn
ayaan kuugu xiisaaa.…Markuu qof si xad dhaaf ah kuu jeceyl yahay waxaad ka qaadaa ad adeyg, balse markaad adigu si xad dhaaf ah qof u jeceshahay waxaad ka qaadaa dhiiro gelin
aan dhamaad laheyn Ma ogtahay 3 eray oo aad i dhahdo adigoo
indhaheyga eegayo in aan ku dareemayo inaan ahay qofka aduunka ugu nasiibka badan “Waan Ku Jeclahay” Sadaxdaas Eray nolosheyda wax weyn beey ka badalaan ee
haka daalin mar walbo inaad dhagta iigu dhibciso..
Jaceylku Iyo dabeyshu waa isku mid waa labo sheey oo jirku dareemo, balse maahan shey gacanta lagu qaban karo, ama la taaban karo.
Mar Weliba aad Fariin iisoo dirto waxaan ku xafidaaa qalbigeyga, mar waliba aad i eegto waxaan ku keydiyaaa xusuusteyda, Eray
walbo aad i tidhaado waxaan u gudbiyaaa maskaxda, adiga iyo ficiladaada waa kuwo ku weyn nolosheyda. Dhagteyda Si xan ah uguma aadan odhan waan ku jeclahay, waayo erayadaasi waxey si toos ah ugu dhaceyn qalbigeyga waxeyna horay u dumiyeen ama u jejebsheen dhamaan darbiyadii ku xeernaa qalbiga, waxaad furatay wadooyin adigoo dhan walbo ka geli karo qalbigeyga. Ma ogtahay macaan halkii mar ee aad
shumiso dhabankeyga in qalbigeyga ka masaxmaan dhamaan wixii xumaan ah, halkaasina aan kusii qaad dareen iyo jaceyl xadkoodii gudbay
Maanta Oo idil waan kuu wacayay anigoo kugu yeerayo magacaaga, adiguna imaad imaan markaan isweeydiiyay sababta aad
igu imaan la’dahay qalbigeyga ayaa ii
jawaabay oo igu yiri qofka aad sugeysid
iney kuu imaato sow adiga kuma dhex
xidhin qalbigaag
waxna laso kulmay dad badan waxaan so arkay
dad naxariiis badan,balse adiga naxarista aan
agtada ka dareemay maahan mid aan ebid dib u
helayo.waxad si toos ah gacantada ugu
qabatayuna taabatay qalbigeega waxan ku
jeclahay xabiib
Qalbigeeyga adigaan kaa iibiyay kudhex nooloow
waa balan weligaa waxaad ugu dhex
noolaaneysaa si lacag la’aan ah, malasocotaa
macaane,macaanto qalbigeeyga waxaad ku
iibsatay jaceyl dhab ah aan dhamaad laheyn,
sidaad ugu iibsatay jaceyl hadhoow ha ugu
guurin si naceyb ah, weligaa iigu dhex nooloow
xinjiraha qalbigeyga.
Weligaa ha diidin qof noloshaada kusoo
biiray adigoo xadkiisa siinayo, maxaa yeelay
qofka wanaagsan wuxuu nasiiyaaa farxad,
qofka xuna waxaan kala kulanaa inaan ku
cibro qaadano, oo aqoon baa nooga
saaideyso, weligaa cidna ha iskala
weeynaaan.
Xabiibi Xusuusnoow labo sirood ayaa
jaceylka lagu kobciyaaa, markii aad
Qaldantahay qiro, markii aad saxantahayna
iska aamus, waayo aamusnaantaada waxa
dareemo qalbigeeyga, oo si toos ah ugu
xiran qalbigaaga.
Dhibicda roobka ah markii aad ku eegto
indhahaada waxaad moodaa ineey aad u
yaryihiin, balse ubax sugayo oo u oomanaa
dhibicdaas roobka ah ubaxaasi waxey ka
dhigtaa mid dhal dhalaalayo, fariinta aad
iisoo dirtay waa dhowr xaraf oo kooban
balse waa xarfo ku weyn nolosheyda
Jaceylku maahan sidaad u hilmaanto ee waa
sidaad u cafiso,mana ahan sidaad u
maqasho ee waa sidaad u fahanto
dhawaaqa wadnahaaga,islamarkaana aad u
dareento ahmiyada uu qofkaas kale
xagaaga ka leeyahay,mana awoodid inuu
qofkaas kaa tago waxa ay kugu qaadataba.
Keliya qalbiyo yar ayaa si fudud u cadeyn
kara daacadnimada jaceylka dhabta
ah,dadka qaar waxey kugu qaldaan xoogaa
dhoolacadeyn ah iyo illin been abuur ah,Ha
u ogolaan naftaada in dibindaabyadaas
laguu dhigo.
Dadka qaar waxa ay yiraahdaan wa ay adag
tahay in la xusuusto,waana kugu adkaataa
inaad cafiso,ha hilmaamin inaad iga cafiso
qaladaadka yar yar,hana ilaawin waligaa
balantii dhexdeena.
kalsoonideyda,ha luminin,hadii aad
qalbigeyga gacmahaaga ku heysana ha dhaawicin Kalsoonida waa sida muraayad oo kale,hadii mar la jibiyana lagama yaabo in dib la isugu keeno.
Ilmadu Waa Hadal Aan Afka Ka Imaan, Ee Si Toos Ah Ugu Imaato Qalbiga .

Comments