Skip to main content

Posts

Showing posts from March, 2021

ERAYO JACEYL AH OO AY ISU DIRI KARAAN LAMAANAHA IS JECEL

  Subixii ma ubaahni inaan saacadeyda ku xirto alarm si aan u kaco, maxaa yeelay waxaad ku dhex nooshahay wadnaheyga gudihiisa waaga markuu baryo waxaad u toostaa inaaad quraac noo sameyso markaad wadnaheyga ka soo dhex toosto ayaan aniguna toosaa taasi ayaa alarm ii ah. Teleefanka aan message-ka kaaga soo diro xili walbo wuxuu u baahanyahay inaan magacaga ku qoro oo aan kuusoo diro, sida dhulka ugu baahanyahay roob teleefoonkana ugu baahanyahay jaajar ayuu jaceylkeenana ugu baahanyahay waraabin joogto ah. Waxaa inoo dhaxeeyo badweyn, buuro, iyo bari aad u dheer, anigu maahi dabeyl lakin hal sikin isii waxaan kuusoo dirayaa jaceylkeyga, oo aan soo gooynayaa inta dhul ee noo dhaxeyso, waanba kuusoo diray maheshay xabiibi. Roobku markuu da”ayo macquul maahan inaad aragto qoraxda, balse xasuusnoow waa halkeedii oo kama maqno, anigana waxaan filayaa anagoo kala fog indhaha aaysan isqaban Karin, hadana weli inaan halkeenii nahay. Marna ma arki kartid sida aan kuugu xiisay, marna ma ogaan ka